Khamiis,
Janaayo ,26, 2017 (HOL)- Guddoomiyihii sarifleyaasha magaaladda Hargeysa ayaa
maanta ku geeriyooday saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa oo shalay lagu soo
xiray.
Guddoomiyaha sarifleyaasha marxuum Cabdilaahi Cali Bare oo ka mid ahaa shan qof oo shalay loo soo xiray arrimaha sarifka lacagaha kadib markii ay ka hor yimaadeen go’aankii lagu amray in aanay dhaafin sarifka ayaa saldhiga ku dhex dhintay.
Wararka ka agdhow saldhiga ayaa sheegaya in markii uu quraacday uu geeriyooday, waxaanu hadda la dhigay dhakhtarka weyn ee magaaladda Hargeysa.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Max'uud Xiir ayaa BBC-da uu sheegay in geerida marxuumka wax xiir ah la laheyn xarigiisa.
''Wuu quraacanayay, waxaan u maleynayaa mid ka mid ah Ilkiisa oo dhacday in ay raashinka u sii raacday oo cunaha ka joogsatay, Dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu dhintay'' ayuu yiri wasiirka