Hay'addaha DF Soomaaliya oo abaartaha dhaqaale ku bixinaya



Khamiis, Janaayo 26, 2017 [HOL]-Lacago ayaa la doonayaa in laga uruuriyo hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya si loogu saacido dadka abaaruhu saameeyeen.

Qorshahaa ayaa loogaga hadlay shir xalay magaalada Muqdishu uu ku qabtay raisul wasaare ku-xigeenka 1aad ee dawlada Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Shirkaa oo ahaa shir jaraaid ayaa uu uga warbixiyay go'aano arinkaa ku saabsan oo lagu gaaray shir aan caadi ahayn oo shalay ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee dawlada federaalka.

 Maxamed Cumar Carte ayaa sidoo kale ah madaxa guddiga la tacaalida abaarta iyo saamaynteeda ee heer qaran.

Lacagaha la uruurinaayo ayaa laga qaadi doonaa golaha wasiirada iyo baarlamaanka waxaana loogu yaboohay lacagtaas dhibbaneyaasha abaarta.

Lacagtaas ayaa waxaa kujira lacago xaqul murashax ah oo murashaxiinta doorashada laga soo uruurshay!

'Waxaan go'aansanay in hayadaha dawladu ka qeyb qaataan gurmadka loo gurmanaayo dhibbaneyaasha abaarta. Hal milyan oo murashaxiinta laga soo uruurshay ayaan heynaa.Sidoo kale bishaan Janaayo 3 boqol oo ah mushaarka golaha wasiirada iyo boqol kun oo ka socota baanka dhexe iyo boqol kun oo kasocota dekada ayaa lacagtaa kujirta'. Maxamed Cumar Carte ayaa sidaa yiri.

Soomaaliya ayaa iminka waxaa ka jirta abaar ba'an oo halakeysay nolosha dad iyo duunyaba.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]