Magacyada dhalinyaro Al-shabaab ay ku toogteen gobolka Baay

 Khamiis, Janaayo, 26, 2017 (HOL) – Wararka naga ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-shabaab meel fagaaro ah ku toogteen saddex dhalinyarro ah oo ay ku eedeeyeen in ahaayeen sida ay hadalka u dhigeen jawaasiis la shaqeynayay ciidamada dowlada iyo kuwa ajnabiga ah.

Gaar ahaan toogashada raggan dhalinyarada ah ayaa ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Yaaq Baraawe oo ka tirsan gobolka Baay kadib markii meel fagaaro ah oo dadweyne leysugu keentay ka dhacday toogashada.

Maxkamada Al-shabaab leeyihiin ayaa xukunkan riday, kadib markii ay sheegtay in dhamaanba danbiyadii lagu soo eedeeyay ay ku cadaadeen dhalinyarrada.

Ragga ay toogashada lagu dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray C/llaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 sano jir ah, kaasoo A-shabaab ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka, Maxamed Shariif Cali 21sano jir ah oo ay sheegeen in uu la shaqeyn jiray sirdoonada caalamiga ah ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo Max’med Iimaan Xasan oo 42 sano jir ah, oo ay ku eedeeyeen in uu la shaqeynaayay sirdoonka maamulka Jubbaland.

Toogashada noocan oo kale ah ee fagaarayaasha lagu qabto ayeey marar badan oo hore sidan oo kale Al-shabaab ugu fuliyeen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]