5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 8 , 2016
Guddiga Samo-farista & Xuma-reebida oo looga dhawaaqay Magaalada Laas-caanood (SAWIRO)


Jimco, Janaayo 08, 2016 (HOL) — Masjidka Jaamaca Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa lagu qabtay munaasabad xadhiga lagag jaray xafiis loo ig-maday sama-farista iyo xuma-ka-reebida oo shalay gelllinkii danbe lagag dhawaaqay magaalada.

 Xafladdan ayaa waxaa ka qayb- qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolka Sool sida; mas'uulinta maamulka, waxgarad, madaxda dhaqanka iyo culummada, waxaana warbixin kooban ka bixiyay sababaha loo asaasay xafiiskan guddoomiyaha guddiga Samo-farista iyo Xuma-ka-reebida gobolka Sool, Sheekh Daahir Khaliif Jaamac oo sheegay inuu EEBE kaddib uu u mahad-celinayo dhammaan dadka kulankaan kasoo qayb qaatay, isagoo xusay in xafiiskiisu uu ka koobnaan doono 30-xubnood.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, Cabdirashiid Xirsi Dalmar ayaa ballan-qaaday ka maamul ahaan inay si weyn ula shaqeyn doonaan Xafiiskaan si uu u noqdo mid Wax-tar u yeesha bulshada ku nool gobolka, waxuuna intaas sii raaciyay in tallaabadan ay tahay mid lagu raadinayo sidii dhallinyarada soo kacaysa looga badbaadin lahaa waxa halista ku ah; isla markaana wanaaga loogu sheegi lahaa, xumaantana looga hor-istaagi lahaa.

Sidoo kale, Garaad Jaamac garaad Ismaaciil oo kulanka kasoo qayb-galay ayaa tilmaamay in ka oday-dhaqmeed ahaana uu soo dhawaynayo xafiiskan iyo guddiga la asasaayba, uuna dhankiisa diyaar ula yahay wada-shaqayn buuxda.

Dhanka kale, Sheekh C/naasir Sh. Axmed ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka shaqaynayeen sidii ay guddigan u soo magacaabi lahaayeen; ayna ALLE mahaddii ku guulaysteen; una rajaynayaan inuu noqdo mid wax ka beddela arrimo aad u badan oo marxaladihii dambe kusoo badanayay magaalada.

Ugu dambeyn, guddigan shalay lagag dhawaaqay magaalada Laascaanood ayaa la filayaa inuu si wanaagsan uga shaqeeyo arrimaha loo asaasay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool