Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo Maanta u Magacaabay Mucaaradka Tiro Xildhibaanno ah


Jimco, Janaayo 08, 2016 (HOL) — Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa 50-xildhibaan oo mucaaradka ka imaanaya magacaabay Jimcaha maanta ah, iyadoo la filayo inuu sidoo kale magacaabo Wasiirro ka imaanaya mucaaradka, taasoo la sheegay in ay qayb ka tahay heshiis lagu soo afjarayo dagaallada sokeeye ee ka socday dalkaas labadii sano ee lasoo dhaafay.

Salva Kiir ayaa magacyada 50-ka xildhibaan ee mucaaradka ka imaanaya kaga dhawaaqay maanta idaacadda xukuumadda South Sudan, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo labada dhinac ay heshiis ku gaareen daba-yaaqadiii sannadkii hore magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Dalka South Sudan ayaa waxaa ku sugan gudi uu urur-goboleedka IGAD u magacaabay in uu hubiyo fulinta heshiiskii ay gaareen mucaaradka iyo xukuumadda dalkaas, kuwaaso uu hoggaaminayo madaxewynihii hore ee dalka Botswana, Festus Mogae.

“Xukuumadda Juba, waxay helaysaa 16-wasiir oo ay ku jiraan wasiirrada difaaca, Amniga Qaranka, Dhaqaalaha iyo kan Cadaaladda. Mucaaradku waxay helayaan 10-wasiir oo ay ku jiraan wasiirrada shidaalka iyo arrimaha bani’aadamnimada,” ayuu yiri, Festus Mogae.

Wasiirrada ka imaanaya mucaaradka ayaa waxaa la sheegay inay ku jiri doonaan xubno la xiray markii dagaalladu ay ka dillaaceen dalkaas , balse ma dambe lasii daayay; waxaana la filayaa in loo magacaabo, wasiirrada arrimaha dibadda iyo gaadiidka. Waxaana wasiirrada arrimaha gudaha iyo beeraha la sheegay inay dhinacyadu ka xaajoon doonaan.

Mucaaradka iyo xukuumadda Koonfurta Suudaan ayaa waxaa labadii sano lasoo dhaafay u dhexeeyay dagaallo, iyadoo lagu eedeeyay labada dhinacba in ay galeen dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada oo ay ka mid yihiin dilal loo geystay dad shacab ah oo ay carruuri ku jireen.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Riek Machar iyo madaxweyne Salva Kiir ayaa mid walba kan kale ku eedeeyay inuu buriyay heshiisyadii ay galeen, balse heshiiskii ay kala saxiideen 16-kii August, 2015-ka ayaa u muuqda mid hirgalaya.

Sidoo kale, heshiiskaan ayaa waxaa qayb ka ah in Riek Machar uu caasimadda Juba kusoo laabto loona magacaabo madaxweyne ku xigeen, xilkaas oo ahaa midii dhalisay dagaallada sokeeye ee dalkaas ka qarxay daba-yaaqadii sannadkii 2013-kii.

Illaa hadda lama shaacin xilliga rasmiga ah ee la magacaabi doono wasiirrada cusub. Balse Salva Kiir ayaa bishii lasoo dhaafay bur-buriyay 10-kii gobol ee federaalka ahaa, isagoo ku bedelay 28-gobol, taasoo uu ku sheegay qorshe lagu doonayo in awoodda lagu qaybsado.

Ugu dambeyn, weli waxaa South Sudan ka socda colaadihii sokeeye, kuwaasoo u dhexeeya Xoogagga Xukuumadda iyo kuwa mucaaradka ah, Waxaana colaadda dalkaas ka socota ku naf-waayay kumanaan qof oo shacab u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya