Jimco, Janaayo 08, 2016 (HOL) — Kaddib kulan labo maalmood qaatay degmada Dhuusa-mareeb ku dhaxmaray guddoomiyaha baarlamanka federaalka Maxamed Cismaan Jawaari iyo mas'uuliyiinta maamulka Ahlusuna Waljamaaca ayaa ugu danbeyntii leysku afgartay wada-hadal dhaxmara maamulka Ahlu Sunna iyo dowladda dhexe.
Shir jaraa'id oo ay wadda jir u qabteen guddoomiyaha baarlmaanka Prof Max'ed Cismaan Jawaari iyo madaxweynaha maamulka gobollada dhexe Sheekh Max'ed Shaakir ayaa lagu faah faahiyay wax yaabihii loogu wadda hadlay kulamadii ugu danbeeyay ee dhaxmaray labada dhinac.
Sheekh Max'ed Shaakir oo ah hogaamiyaha maamulka gobollada dhexe ayaa sheegay in ay aqbaleen dhinacooda codsiga uga yimid guddoomiyaha baarlamaanka ee ahaa wadda-hadal dhaxmara dowladda dhexe iyo maamulka Ahlu Sunna si meesha looga saaro is-mari-waaga siyaasadeed ee ka jira guud ahanba gobollada dhexe.
''Runtii waan u mahad celineynaa guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdiga la socday ee booqashada inoogu yimid, waxaan leenahay Prof Jawaari waa hogaamiyihii gollaha shacabka, waa oday Soomaaliyeeed, siddaa daraadeed waxaan ka aqbalnay codsigiisii ahaa in aan u diyaar-garoowno wada-hadal dhaxmara dowladda federaalka iyo maamulka gobollada dhexe, waliba waxaan leenahay guddoomiyaha isaga ayaa arintaan u wakiilanay'' ayuu yiri madaxweynaha maamulka gobolada dhexe.
Sheekh Max'ed Shaakir oo ka hadlay eedeyntii loo jeediyay socdaalka guddoomiyaha baarlamaanka oo lagu tilmaamay mid carqalad ku ah dadaaladii nabadeed ee ka socda gobollada dhexe, ayuu sheegay in aysan jirin dadaallo nabadeed oo socday ka hor booqashada guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in uu yahay shaqsigii ugu horeeyay ee u soo bandhiga wada-hadal lagu xalinayo khilaaf siyaasadeedka jira.
Jawaari ayaa dhinaciisa sheegay in uu uga mahad celinayo mas'uuliyiinta iyo shacabka gobollada dhexe soo dhaweyntii ay u fidiyeen iyo sidda ay uga aqbaleen soo jeedintoodii aheyd in wada-hadal loo diyaar-garoobo, waxaana uu intaa ku darray in wixii fariimo ah ama cabasho ah oo ay qabaan dadka ku nool gobollada dhexe la wadaagi doono dowladda dhexe iyo gollaha baarlamaanka.
Socdaalka Prof Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad Mahad Cawad ayaa waxaa si adag uga hor yimid madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo sheegay in safarka guddoomiyaha iyo mas'uuliyiinta wehlisa yahay mid carqalad ku ah dadaaladii nabadeed ee u socday maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya