Siyaasi C/llaahi Bushkin oo la qaatay kulan Wax-garadka iyo siyaasiyiinta Jubbaland (SAWIRRO)
Jimco, Janaayo 08, 2016 (HOL) —C/llaahi Xaaji Xasan (C/laahi Bukhkin) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa qado sharaf u sameeyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku dhaqan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Kulankan oo ay kasoo qeybgaleen, xildhibaano ka tirsan Jubaland, odoyaal dhaqameed iyo waxgarad kale islamarkaana ka dhacay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo, ayay ujeedadiisu ahayd, soo dhaweyn iyo isbarasho iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa; isla markaana la isaga kaashan lahaa ka shaqeynta ammaanka iyo horumarka dalka gaar ahaan Jubaland.
Siyaasiga oo hadal dheer ka jeediyay kulanka, ayaa sheegay in dalku galay marxalad cusub oo dowladnimo; isla markaana la doonayo in bulshadu si Wadajir ah ugu guntado sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo dowladnimada.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamanka Jubaland iyo wasiirro ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay aad uga mahad-celinayaan siyaasi C/laahi Bushkin kulanka qado-sharafta ah ee uu u qabtay siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubbaland, iyagoo ku ammaanay dadaalkiisa ku aadan in la Dar-dar-geliyo taageerada iyo Garab-is-taagga Jubbaland iyo weliba in Bulshada laga wacyigeliyo qabyaalada iyo waxyaalaha kale ee kala fogeyn kara shacabka Soomaaliyeed.
Siyaasi C/laahi Bushkin ayaa mudo dheer ku maqnaa dalka dibaddiisa, iyadoo uu dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna siyaasigani bogaadiyay horumarka baaxadda leh ee ay ku talaabsadeen deegaanada Jubbaland gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dib u dhiska.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Mas'uuliyiinta maamulka gobollada dhexe oo soo dhaweeyay wadahadal ay la furaan Dowladda FS
- Dowladda Turkiga oo Shaaciyay inay Soomaaliya ka Sameysanayso Saldhig Millateri oo Casri ah
- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo Maanta u Magacaabay Mucaaradka Tiro Xildhibaanno ah
- Hay’ada HRW oo sheegtay in 140-ruux lagu dilay Mudaaharaadyadii ka dhacay Wadanka Itoobiya
- Guddiga Samo-farista & Xuma-reebida oo looga dhawaaqay Magaalada Laas-caanood (SAWIRO)
- SAWIRRO: Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo xariga laga jaray & Xasan Shiikh oo ka Qaybgalay
- Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la filayo inuu furitaanka Garoonka Boosaaso ka qayb-galo