Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la filayo inuu furitaanka Garoonka Boosaaso ka qayb-galo


Jimco, Janaayo 08, 2016 (HOL) — Iyadoo maanta lagu waddo in si rasmi ah xariga looga jaro garoon casri ah oo laga hergaliyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa munaasabada furitaanka garoonka waxaa ka qeyb-galli doona wafuud isugu jirta Somalia iyo Ajaanib, waxaana galinkii danbe ee maalintii shalay gaaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud.

Madaxweynaha maamulka gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed ayaa lagu waddaa in uu ka mid noqdo wafuuda kala gadisan ee ka qeyb-qaadan doonta furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

C/kariin Xusseen Guulleed ,waxaa safarkiisa ku wehlin doono madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Max'ed Islaam [Axmed Madoobe] oo labadii habeen ee la soo dhaafay ku sugnaa degmada Cadaado, isaga oo halkaa wadda hadalo kula lahaa madaxweynaha Galmudug.

In muddo ah ayaa waxaa soo jiitamayay khilaaf xoogagn oo u dhaxeeyay Galmudug iyo Puntland hasse ahaatee tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalladii cuslaa ee sanadkii hore ku dhaxmaray labada dhinac magaalada Gaalkacyo, waxaa muuqanayay in labada maamul siddii hore isaga soo dhawaanayaan, kaddib kulamo is daba joog ah oo ku dhaxmaray Koonfurta & W/qooyiga Gaalkacyo madaxweyne Cabdiwali Gaas iyo C/kariin Xusseen Guulleed.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland, oo labadii cisho ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Cadaado, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu halkaa u tagay tahay dhameystirka hishiiskii Gaalkacyo & siddii meesha looga saari lahaa wixii mad-madow siyaasadeed ee jira.

Marka laga soo tago in furintaanka Garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaa dhici karta in Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo Cabdiwali Gaas mar kale yeeshaan wadda -hadalo sii xoojin doona xiriirka u bilaawday labada maamul.

Ka qeyb-galka C/kariin Xusseen Guulleed ee furintaanka garoonka magaalada Boosaaso, ayaa ka dhigan in Puntland tanaasulaad badan ka sameysay aragtidii dhinaca sharciga ee dhismaha maamulka gobolleedka Galmudug ee gobollada dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya