BELEDWEYNE: Dad Shacab ah oo ku Dhaawacmay Bam lagu tuuray Bar-kootarool oo ay Ciidamo joogeen

Sabti, September 24, 2016 (HOL) — Illaa Siddeed ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay Bam-gacmeed Fiidnimadii Caawa lagu tuuray bar-kootarool oo ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa DF Somalia oo ku taalla Xaafadda Buundo-weyn ee magaalada Beledweyne.

Dadka dhaawacmay oo dhammaantood ka ag-dhawaa goobta Fariisinka u ahayd ciidamadan ayaa hadda xaaladooda Caafimaad waxaa lagula tacaalayaa isbitaalka Guud ee Beledweyne, iyadoo dhaqaatiirtu ay sheegeen in dhaawacyadoodu yihiin kuwo fudud.

Ugu dambeyntii, Lama sheegin Wax khasaaraha oo Ciidamadii la Bar-tilmaameedsay kasoo gaaray Weerarkan, Waxaana inta badan Somalia caado ka noqotay weerarada loo adeegsado Bam gameedka ee lagu Bar-tilmaameedsano Ciidamada Dowladda Somalia, Waxaana Wax yeellada ugu badan weerarada nooca ah ay soo gaaraan dadka rayidka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya