Laacibka Chris Smalling, ayaa goolka koowaad ugu dhaliyay Man United madaxa, ka hor inta Juan Mata uusan goolka labaad dhalin, iyadoo ciyaartu ay ahayd mid xiiso badan.
Sidoo kale, Paul Pogba oo gooshii koowaad u dhaliyay Man United iyo Marcus Rashford ayaa Cayaarta waxay ka dhigeen 4-0, iyadoo goolka kaliya ee ay Kooxda Leicester City la timid uu u dhaliyay Demarai Gray, gooshaas oo ahayd mid qurux badan.
Tababaraha kooxda Manchester United, ayaa cayaarta soo geliyay daqiiqaddii 83-aad oo ay ku dhaweyd dhammaad laacibka Wayne Rooney, inkastoo uusan waxba ka bedelin cayaarta oo ku dhammaatay 4-1.
Ugu dambeyntii, Kooxda Man United ayaa cayaartii u horreysay ee horyaalka Britain ka tirsan badisay muddo bil ah, Laakiin badintaan Kooxda Leicester City laga badiyay maanta oo ahayd tii saddexaad ayaa waxay u dhigantaa intii jeer ee laga badiyay xilli ciyaareedkii hore oo ay ku guuleysatay koobka horyaalka Ingiriiska.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)
.jpg)