Sabti, September 24, 2016 (HOL) —
Maxkamad ku taalla Dalka Hindiya ayaa dil toogasho ku xukuntay 50 qof Soomaali ah, kuwaasoo
ka mid ahaa 119-ruux oo horay Dowladda India ku sheegtay inay ahaayeen burcad-badeed.
Afar hawlgal oo ay intii u dhexeysay 2011-kii illaa 2013-kii ka sameeyeen Ciidanka badda dalka Hindiya xeebaha Somalia ayay kusoo Qab-qabteen Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeed inay ahaayeen.
Sidoo kale, Qaar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa qirtay dambigii lagu eedeeyay, waxaana mid ka mid ah dhallinyaradan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Bishaar Xuseen uu xusay inuu dambiga galay, isla markaana uu ogyahay natiijada ka iman karta qirashada dambiga, uuna diyaar u yahay inuu wax walba wajaho.
Tiro illaa 70 Ruux, ayaa la sheegay inay ku Markhaati kaceen dhallinyaradan lagu eedeeyay burcad-badeednimada, ee xukunnada ay maxkamaddu Hindiya ku taalla ku ridday.
Dhanka kale, Sannadihii lasoo dhaafay ayaa xabsiyo ku yaalla dalka Hindiya waxaa ku jiray dhallinyaro Somali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeed, waxaana qaar ka mid ah cudurro ay ka mid yihiin Qaaxadda ama Tiibishada ugu dhinteen xabsiyada Hindiya.
Xukunkan ayaa noqonaya midkii ugu badnaa ee lagu rido dhallinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo. Iyadoo Xukunnadan lagu riday Dhalinyarada Soomaaliyeed aysan weli ka hadlin dowladda federaalka Soomaaliya.
Ugu dameyn, Xeerarka Hindiya ee Dilka ayaa ah kuwa ugu Dambeeya, iyadoo inta badan Maxkamadaha Waddankaas ay ridaan Xukunnada xabsi Daa’in ah, laakiin arrintan ayaa ka duwan xeerarkii hore ee lagu xukumayo jiray dambiilayaasha.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya