Dadaallo lagu Hakinayo Xiisad Dagaal oo laga billaabay Deegaanno ka Tirsan Gobolka SOOL


Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL) — Dadaallo lagu Xakameynayo Xiisado Colaadeed - oo ka taagan Deegaanka Yeyle oo Qiyaastii 90-km Dhanka Waqooyi-galbeed ka xiga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa ka billowday deegaankaas.

Wax-garad ka baxay Magaalada Laascaanood ayaa gaaray deegaankan oo xiisad colaadeed ay ka muuqatay, Waxayna kala hadleen dadka deegaankaas, sidii loo joojin lahaa colaadda, loona baadi-goobi lahaa dadkii dhibaatada geystay.

Sidoo kale, Colaaddan ayaa ka billaabantay kaddib markii dabley hubaysan ay toogasho ku dileen laba nin oo kasoo baxay Masjid ku yaalla deegaanka Yeyle Salaadii Duhur ee shalay kaddib.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise ayaa sheegay in Deegaannadaas ay ka jirto haatan xasilooni, ayna Rajeynayaan sidii loo soo qaban lahaa Gacan-ku-dhiiglayaashii falkaas dilka ah geystay.

Axmed Maxamed Aadan oo ka mid ah odayaasha tuulada, ayaa noo sawiray sida ay wax u dheceen isagoo yiri. "Waxaan kasoo baxay Masjid - Waxaana ii muuqdey laba nin oo aan u maleynayay inay sugayaan qof soo baxaya, intaanan wax yar ka dhaqaaqin ayaan arkay nin deegaanka odayaasha ka mid ah oo rasaas lagu furay." Wuxuuna intaas ku daray in wax yar kaddib qof kale masjidka dhexdiisa rasaasi ku dishay.

Yeyle oo ka mid ah deegaannada ay Roobabkii Dayrtu ku yaraayeen, ayaa dadkii deggenaa ay ka hayaameen, iyadoo beelaha degana ay yihiin kuwo isku milan, Taasoo ah tan keentay in loo baahdo Wacyi-gelin deg-deg ah.

Dhinaca kale, Gaari kusii jeedey Yeyle oo ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux kuwaasoo aan illaa hadda la garanayn sababta keenatay in uu falkaas dhaco.

Gobolka Sool, ayaa xilliyadii u dambeeyay hoy u noqday dilalka salka ku haya aanooyinka beeleed, iyadoo maalmaha soo socda la qorsheynayay in gacanta la isku geliyo dhinacyadii ay u dhexeysay Colaado illaa Soddomeeyo Ruux galaafatay oo ka dhacday Deegaannadaas Toddobaadyo ka hor.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool