
Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL)-Wasiirka arimaha biyaha iyo waraabka ee Kenya, Eugine Wamalwa ayaa shalay galinkii dambe qaabilay xildhibaanada iyo masuuliyiinta waaxda biyaha ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari.
Wasiirka ayaa ku qaabilay masuuliyiintaas xafiiskiisa, magaalada Nairobi Kenya.
Masuuliyiintaa ayaa waxaa hoggaaminaayay xildhibaanka laga soo doortay Garissa, Mudane Aadan Ducaale. Waxaa wasiirku uga waramay mashaariicda dawlada qaran ee Kenya ay maal galisay ee dhanka biyaha, bullaacadaha iyo waraabka ee gobolka Waqooyi-bari.
Ducaale ayaa sidoo kale ka war bixiyay xaalada biyaha ee magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi-bari, xaalada biyaha ee Mandheera iyo magaalada Wajeer.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka ilo badan oo biyood in loo abuuro loo baahan yahay maadaama gobolka ay dagaan dad xoolo dhaqato ah oo ayaga iyo xoolahooduba biyo badan ay u baahdaan.
Haatan ayaa dadka reer guuraaga ah waxay biyaha u doontaan meelo fogfog maadaama ilaha biyaha ama ceelashu ay ku yar yihiin gobolka Waqooyi-bari labo daraadle marka loo eego tirada dadka.
Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.