.jpg)
Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada Xukuumada FS oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho, ayaa waxay uga doodeen qodobbo dhawr ah; Waxaana ay Ansixiyeen Xubnaha Guddiga Saxaafadda Qaranka Soomaaliyeed.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa warbixinta la xiriirta Amniga looga Dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga DF, C/qaadir Sh. Cali Diini, isagoo Sharraxaad ka bixiyay hawl-galada ka socda Somalia. Wasiirka ayaa Xusay in Dagaalladii ugu Dambeeyay ee ka dhacay dalka ay sababeen in kooxaha Al-shabaab ay kala jabeen, iyadoo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay ay waayeen xubno iyo Saraakiil muhiim u ahaa kooxda.
Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa isna Golaha Wasiirrada u gudbiyay xubnaha guddiga saxaafada Qaranka, kaasoo ka kooban Sagaal xubnood, ayuu sheegay in lagu soo xulay Aqoonta ay u leeyihiin Saxaafadda iyo Shuruucda hagaysa.
.jpg)
Golaha Wasirrada ayaa Dood dheer iyo Falanqeyn kaddib, Waxay isku raaceen inay meel-mariyaan Guddigan, waxayna soo jeediyeen in qaar ka mid ah guddigan wax ka bedel lagu sameeyo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/rixmaan Odawaa ayaa Dhankiisa Warbixin ka siiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya - Halka uu marayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo Raashin ay Leedahay Hay’adda WFP ee Maalin ka hor lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
.jpg)
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya