
Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL) — Xilli lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa sii kordhaya deeqaha shacabka Soomaaliyeed ee Muxsiniinta ah ay ku Caawinayaan qoysaska danyarta ah ee u baahan waqtigan oo kale in loo samafalo.
Hadaba Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Linkoping ee dalka Sweden ayaa Deeq Lacageed oo Dhan $5,960 Doollar, Waxay Gaarsiiyeen Qoysas Soomaaliyeed oo ku dhaqan dhaqan magaalada Beledweyne.
Kaalmadan oo loo soo Wakiishay Guddiga Masaajidka Bardaha ee Magaalada Beledweyne ayaa loo Qaybiyay 114-Qoys oo laga soo kala xulay Qaybaha kala duwan bulshada intooda ugu jilicsan, Waxaana ka mid ahaa Qoysaska Deeqda la gaarsiiyay Dad xanuunsan oo xitaa awoodi kari waayay in ay gaaraan goobta gargaarka lagu qeybinayay.
Dadweynihii Kaalmadan ka faa'iideystay deeqdan lacageed ayaa u mahad celiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Linkoping ee Waddanka Sweden iyo Guddiga Masaajidka ee gargaarka u qeybiyay, iyadoo qoys walbana la siiyay lacag dhan $50 Doollar.
Ugu dambeyn, Bisha Ramadaan oo ah bil cibaado ayay muhiim tahay in dadka muslimiinta ah is Caawiyaan, Gaar ahaan in loo Samafalo Shacabka Dan-yarta ah ee aan Haysan Nolol maalmeed ku filan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya