
Khamiis, Juun 16, 2016 (HOL)-Maanta ayaa waxaa caalamka oo idil looga dabbaal dagayaa maalinta caruurta Afrika.
Maalin walba oo taariikhdu ku beegan tahay 16ka Juun sanad walba waxaa loo dabbaal dagaa maalintaa oo looga hadlo baahiyaha iyo guulaha carruurta Afrika.
Maalintaan ayaa waxaa loo dabbaal dagaayay tan iyo sanadkii 1991 markaas oo uu ururka midowga Afrika ee OAU/AU uu ansixiyay.
Waxaa gaar ahaan lagu sharfaa carruurtii ka qeyb qaadatay Kacdoonkii xaafada Soweto ee Johannesburg, Koofur Afrika oo dhacay 1976 maalintaan oo kale.
Waxaa sidoo kale sare loogu qaadaa wacyi ku aaddan horumarinta dhanka waxbarashada ah ee carruurta Afrikaanka ah.
Kacdoonkii xaafada Soweto ayaa waxaa la xasuustaa in qiyaastii 10 kun oo arday Afrikaan madow ah ay ku dibad baxeen waddooyinka Johannesburg ayagoo qabsaday ilaa nus mayl isla markaana ka mudaaharaadayay xaalad liidatay oo waxbarasho oo soo food saadhay.
Waxay sidoo kale kasoo horjeedeen in luuqada caddaanka ee Afrikaaniska wax lagu baro ee taa baddalkeedii luuqadooda wax ay ku bartaan.
Biliiska dalkaa ayaa dabadeed xabad la dhacay in badan oo ardaydaas ah isla markaana waxaa halkaa ku wafaaday boqolaal ardaydaa ah ayadoo dawladii xilligaa halkaa ka talinaysay ay ahayd mid ay sutida u hayeen caddaanka tirada yar ee dalkaa kunool.
Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.