
Talaado, July 12, 2016 (HOL) — Xaaladda Magaalada Juba ee Caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ayaa maanta dagganyd, kaddib markii ay xabad-joojin ku dhawaaqeen Madaxweynaha dalkaas,, Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa, Riek Machar oo ay Ciidamadoodu ku Dagaallameen qaybo magaalada ka mid ah.
Afartii casho ee lasoo dhaafay, ayaa waxaa Magaalada Jaba ka socday iska-hor-imaadyo u dhexeeyay Ciidammo kala taageersan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, kuwaasoo sannadkii lasoo dhaafay kala saxiixday heshiis colaadii labadii sano ee lasoo dhaafay ka socday dalkaas.
Afhayeenka madaxtooyada Koonfurta Suudaan Ateny Wek Ateny ayaa warbaahinta ugu sheegay Juba in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay xabad-joojin ku dhawaaqeen, laga fogaado inuu dalku dib ugu laabto colaaddii sokeeeye.
"Madaxweyne Salva Kiir iyo ku xigeenkiisa Riek Machar waxay ciidankooda ugu baaqeeen in xabada la joojiyo, lana ilaaliyo xasilloonida guud ee dalka… waxaana labada hoggaamiye ka go’an in xabadu joogsato," ayuu Wek Ateny u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters.
Sidoo kale, Xaalada ayaan weli caddeyn iyadoo ciidamadii taageersanaa Riek Machar la sheegay inay Magaalada xarunta ah ka baxeen Xalay, sidoo kalena uu Hoggaamiyahooda Machar raacay sida ay ku Warramayaan Wararka laga helayo Magaalada Juba.

Dagaalkan, ayaa ka Qarxay bar-koontarool oo ku dhaw madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen ciidammo taabacsanaa Madaxweyne Salva Kiir, inkastoo dagaalku uu dibadda baxay caasimadda gellinkii dambe ee Isniintii shalay, inkastoo aysan xilligaan jirin wax rasaas ah oo la maqalayo.
Ganacsato Soomaali ah oo ku sugan Xarunta South Sudan ee Juba ayaa laga soo xigtay in Wiil Somali ah uu ku geeriyooday dagaalka, sidoo kalena uu dhaawac kasoo gaaray gabar Somali ah oo loo qaaday Uganda si loogu soo daweeyo.
Xukuumadda South Sudan, ayaa sheegtay in boqollaal ruux ay dagaallada ku dhinteen, iyadoo mas'uul u hadlay Xukuumada Juba uu sheegay in ay Maalin keliya ku dhinteen Dagaalka dad gaaraya 271-qof, laakiin Afhayeen mucaaradka u hadlay ayaa isagana sheegay dhankiisa inay dagaalladii maalmahan ka dhacayay magaalada Juba ay ku dileen 150-askari oo ka tirsan ciidamada Xukuumadda.
Ugu dambeyntii, Ururka Midowga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD ayaa waxay sheegeen in Colaad dib uga soo cusboonaata dalka Koonfurta Suudaan ay ku tahay khatar weyn Qaaradda oo dhan, iyagoo ugu baaqay labada dhinac inay Xabbada joojiyaan, Khilaafkana lagu dhameeyo Wadahadal iyo Nabad.
Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya