SAWIRRO: Garaad Abshir Saalax oo AAS Heer Sare ah loogu Sameeyay Deegaanka Balli-cad

Talaado, July 12, 2016 (HOL) — Aas maqaam sare leh ayaa loogu sameeyey tuulada Bali-cad oo Qiyaastii 100-KM Galbeed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool Alle Naxariistee Garaad Abshir Saalax Maxamed oo 01-dii bishan ku geeriydey Swedan.

Diyaaradii siday maydka Garaadka ay shalay gelinkii-dambe soo gaaray Buuhoodle iyadoo loosoo gelbiyey dhinaca tuulada Balicad iyadoo ay weheliyeen madax-dhaqameed degaano badan ka kala yimi.

Aaska Garaad Abshir Saalax oo ay kasoo Qayb-galeen Kumanaan dad ah oo ka kala yimid Dalka iyo dibaddiisa - ayaa ka dhacay dhinaca Bari ee Tuulada, iyadoo jawiguna ahaa mid aan qorax lahayn, si aad ahna dhulka loo qooyay si gaadiidka badan booka looga hakiyo.

Salaada Jinaasada kaddib, Aaska waxaa Hadallo ka soo jeediyay Madax-dhaqameed kala duwan oo ka kala yimi deegaannada Waqooyi, Barri iyo Koonfurba, waxaanay muujiyeen wanaagii iyo ay ku yaqaaneen Garaadka.

Garaad C/risaaq Garaad Soofe oo Afka Madaxda dhaqanka deegaanka ku hadlayay - ayaa wuxuu ka warbixiyay Garaadka, Wuxuuna dhaar ku maray in Tilmaamihii ehelu janada ay ka muuqdeen.

Khudbadaha ayaa waxaa soo gunaanaday Boqor Burhaan Boqof Muuse oo Alle ka Cabsi iyo Duco dheer kusoo af-jaray hadalladiisii.

Dhinaca siyaasiyiinta waxa halkaasi ka hadlay madaxweynaha maamulka Khaatumo Porf. Cali Khaliif Galaydh oo Tacsida iyo Dardaaranka beesha Garaadka kaddib ka hadlay xal u raadinata labada beelood ee Walaalaha ah ee bishii Ramadaan Dagaalladu ku Dhex mareen deegaannada Dharkayn-geeyo, Dhumay iyo Daba-taag oo Guddiyadii ku hawshan sidii loo joojin lahaa colaadda ugu baaqay inay daacadnimada ogaadaan.

Ugu dambeyn, Aaskan ayaa lagu tilmaami karaa kii ugu maqaamka sarreeyay oo Xiliyadii u dambeeyay ka dhaca deegaankaas, marka loo eego madaxda dhaqanka ee Halkaas timid; iyadoo qaar badan oo kalena ay cilad ku noqotay waqtiga iyo isbedelo ku yimid halkii awal la Shaaciyay oo ahayd deegaanka Widh-widh oo la sheegay in Xaalad Siyaasadeed darteed looga beddelay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood, Gobolka  Sool