Wafdi ka Socda IGAD iyo Duubabka-dhaqanka G. Hiiraan oo kulan ku leh Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, July, 12, 2016 (HOL) - Waxaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaran oo ka socda Urur gobolleedka IGAD iyo dowladda Itoobiya.

Wafdiga oo uu horkacayo danjire Max'ed Cabdi Afey ayaa siddoo kale waxaa ka mid ah Jeneraal Gabre oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa ee dowladda Itoobiya u qaabilsan siyaasada Soomaaliya.

Wafdiga ayaa xiligan kulan kula leh magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo la filayo in ay ka wadda hadlaan arrimo dhowr ah oo la xiriira siyaasada dalka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa saacadaha soo socda...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya