Talaado, July 12, 2016 (HOL) — Wafdi uu hogaaminayo raysul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mudane Max'ed Cumar Carte oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magalada Kismaayo ayaa kulamo la leh madaxda ugu sareeysa ee Jubaland, ayagoo ka wada hadlaya arimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona dabayaaqada sanadkan.
Raysul wasaare kuxigeenka ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya taliyaha nabadsugidda Soomaaliya Gen. C/laahi Gaafoow Max'uud, taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Max'ed Xasan Xaamud iyo masuuliyiin kale waxayna madaxdani la dejiyay guriga martida halkaa oo ay kulamo kula leeyihiin madaxda Jubaland.
Inkastoo kulamadu ay soconayaan islamarkaana aan saxaafadda loo faahfaahin ujeedada imaatinka wafdiga, ayaa hadana waxay wararku sheegayaan in arimaha ugu muhiimsan ee laga hadlayo ay yihiin sidii loogu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka dalka ka dhici doona iyo weliba sidii loo dardar gelin lahaa dedejinta howlaha baaxadda leh ee u yaal dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira kahor waqtiga ay dalka ka dhacayaan doorashooyinka.
Aqalka Martida ayaa waxaa ka socda kulamo ay saxaafadda dibadjoog ka tahay, waxaana marka ay soo dhamaadaan la filayaa in masuuliyiintu ay soo bandhigaan waxyaalihii ay ka wada hadleen.
Raysul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha wafdigiisa ayaa la filayaa in ay maanta dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Raysul wasaare kuxigeenka dalka oo magaalada Kismaayo kulamo kula leh madaxda Jubaland
More News
- Madaxweyne Siilaanyo oo Maanta ka Qayb-galay Aaska John Drysdale oo Ingiriiska ahaa (Sawiro)
- Xaaladda Caasimadda South Sudan oo Maanta Daggan kaddib Xabbad-joojin lagu Dhawaaqay
- DAAWO: Kulankii IGAD iyo Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Natiijo la'aan ku Dhamaaday
- Xukuumadda Somalia iyo Jubbaland oo ka wada-hadlay arrimo la xiriira Amniga dalka [SAWIRO]
- SAWIRRO: Garaad Abshir Saalax oo AAS Heer Sare ah loogu Sameeyay Deegaanka Balli-cad
- Wafdi ka Socda IGAD iyo Duubabka-dhaqanka G. Hiiraan oo kulan ku leh Beledweyne (SAWIRRO)
- Malala Yuusuf oo booqanaysa xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Waddanka Kenya (SAWIRRO)
- Maalinta Tirakoobka Dadka Caalamka
- Wafdi ka Socda Midowga Afrika oo Qiimeynaya Doorashada oo Muqdisho soo Gaaray (SAWIRO)
- Arday Soomaaliyeed oo Deeqo Waxbarasho lagu Guddoonsiiyay Columbus, OHIO (SAWIRRO)