DAAWO: Kulankii IGAD iyo Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Natiijo la'aan ku Dhamaaday


Talaado, July 12, 2016 (HOL) — Kulankii Maanta Magaalada Baladweyne ku dhex-maray wafdi Urur Goboleedka IGAD ka socday iyo Duubabka-dhaqanka gobolka Hiiraan oo ahaa mid xasaasi ah, waqti badanna qaatay, marar badanna la isku laabtay, ayaa ugu dambeyn ku dhamaaday natiijo la'aan, kaddib markii la isku fahmi-waayay qodobadii laga wada hadlay oo dhan.

Inta badan labada dhinac, ayaa kulankoodan uga wadd-hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo ka qeyb-galka hanaanka doorashooyinka dalka, gaar ahaan dhismaha aqalka sare iyo kan hoose ee dhawaan la filayo in uu dalku yeesho.

Duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa hor dhigay xubnaha Ururka IGAD go'aan sidda ay hadalka u dhigeen ay horay u qaateen bulshada ku dhaqan gobolka, gaar ahaan marka la eego arinta ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ku hadlayay afka Duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa u sheegay wafdiga ka hor inta aan laga wadahadlin dhismaha maamulka labada gobol ay tahay in la saxo qaldaad badan oo jirra, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay saami-qeybsiga dalka oo sidda uu hadalka u dhigay siweyn loogu dulmayay gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Doodda Duubabka-dhaqanka ayaa ahayd in ka hor intaan laga hadlin Dhismaha Dowlad-goboleedka looga fadhiyo dowladda federaalka iyo urur gobolleedka IGAD in ay aqbalaan in gobolka Hiiraan yahay Laba Gobol, madaama toddobadii gobol ee Dalka u Qaybsameen mid Saddex illaa labo gobol.

Laakiinse, Dhinaca xubnihii ka socday urur-goboleedka IGAD - ayaa ku adkeystay in laga qeyb-galo dhismaha maamulka labada gobol, taasoo ay ku micneeyeen ujeedada socdaalkooda markii labaad ee magaalada Beledweyne, iyaga oo meesha ka saaray kuna tilmaamay arin aysan waxba ka qaban karin doodda duubabka dhaqanka ee la xiriirtay in Hiiraan yahay labo gobol.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa soo dhamaaday mana jirin wax is afgarad oo labada dhinac ay ka gaareen Qodobbadii ay ka wada-hadleen, iyadoo xubnihii IGAD ka socday ay u sheegeen Duubabka-dhaqanka in wixii hadda ka dambeeya go'aanada arrintan ku saabsan ee reer Hiiraan gaaraan u gudbiyaan beesha caalamka, taasoo macnaheedu yahay in IGAD waxba ka quseyn doonin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya