Dalalka Baxreyn, Imaaraadka Carabta iyo Sudan oo Xiriirkii Siyaasadeed u jaray Dowladda Iiraan


Isniin, Janaayo 04, 2016 (HOL) — Waddamada Bahrain, Suudaan iyo Imaaraadka Carabta ayaa garab-is-taagay boqortooyada Sucuudiga, iyagoo maanta ku dhawaaqay inay xiriirkii dublamaasiyadeed u jareen waddanka Iiraan.

Dowladda Bahrain ayaa amar ku bixisay in waddankeeda ay ka baxaan dublamaasiyiinta u dhashay Iiraan ee dalkeeda ku sugan, sababo la xiriira iyadoo xiriirkii siyaasadeed u jartay Iiraan. Iyadoo tani ay imaanayso xilli Sucuudigu uu xiriirkii siyaasadeed u jaray Iiraan.

Sidoo kale, warbixin ay soo saartay maanta wasaaradda arrimaha dibadda dalka Suudaan ayaa lagu sheegay inay si deg-deg ih xiriirkii siyaasadeed ugu jartay waddanka Iiraan.

"Iyadoo laga jawaabaayo weerarkii lagu qaaday safaarada Sucuudiga ee magaalada Tehran iyo qunsuliyadda uu ku leeyahay Mashhad. Xukuumadda Suudan waxay go’aan ku gaartay inay xiriirkii u jartay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan,” ayaa lagu sheegay Bayaan ay soo saartay xukuumadda Suudaan.

Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa bayaan kasoo baxay waxaa lagu sheegay inay xiririkii u jareen Iiraan, ayna u yeerteen safiirkeedii iyo dhammaan dubalaasiyiintii kaga suganaa iiraan.

"Dowladda Imaaraadka Carabta waxay hakisay howshii safaaradeennii Tehran ku taallay, waxaana u yeernay safiirkeennii Iiraan, Saif Al-Zaabi,  balse waxaanu sii wadi doonnaa xiriirka ganacsi ee aan la leennahay Iiraan,” ayaa bayaanka kasoo baxay Imaaraadka lagu yiri.

Muranka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan ayaa si aad ah looga dareemay Bariga Dhexe, iyadoo dowladda Sucuudigu ay shalay shaacisay inuu dalka Iiraan u jartay xiriirkii siyaasadeed.

Xiriirka siyaasadeed ee waddamada Iiraan iyo Sucuudiga ayaa xumaaday, kaddib markii ay Xukuumadda Sucuudigu Sabtidii lasoo dhaafay ay dileen Sheekh Nimr al-Nimr oo ka mid ahaa wadaadada Shiicada Sacuudiga.

Ugu dambeyn, dowladda Iiraan ayaa go’aanka Sucuudigu xiriirka labada dal u dhexeeyay u jartay ku sheegtay inay sababi karto xiisado ka aloosma gobolka, waxaana dilkii Sheekh al-Nimr ay ku tilmaantay Tehran mid xad-gudub ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya