
Isniin, Janaayo 04, 2016 (HOL) — Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qabsaday maanta tuulada War-maxan ee gobolka Shabeellada Hoose oo 60-km Koonfur kaga beegan magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay khasaare nafeed.
Al-shabaab ayaa la sheegay inay markii hore weerareen saldhig ay ciidamada dowladda FS ku leeyihiin tuuladaas, iyagoo dagaal culus oo dhacay kaddib ay Al-shabaab la wareegtay; inkastoo saacado kaddib ay ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan Warmaxan.
Inta la ogyahay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo dhinacyadii uu u dhexeeyay dagaalka ah, iyadoo tobanayeeno kalena ay dhaawacyo soo gaareen, inkastoo Al-shabaab ay sheegatay in dagaalkaas ay ku dishay toban askari oo ka tirsan ciidamada dowladda FS.
“Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar gaadmo ah kusoo qaaday Warmaxan, ciidankii dowladdana way isaga baxeen, laakiinse barqo-nimadii maanta ayay ciidamada dowladda Soomaaliya dib u qabsadeen deegaanka,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale, taliyaha ciidamada booliiska gobolka Shabeellada Hoose, Col. Cabdi Ibraahim Shaamow oo isagana la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saddex ka tisran xoogaggii Al-shabaab lagu dilay dagaalladii maanta ka dhacay deegaanka Warmaxan, ciidanka dowladda Soomaaliyana looga dilay hal askari.
“Ciidamada dowladda Somalia waxay dagaalladii Warmaxan ka dhacay ku dileen Saddex ka tirsan xoogaggii Al-shabaab ee deegaanka soo weeraray, dhinaceena Askari ayaa nooga dhintay dagaalka. Deegaanka Warmaxan waxaa xilligaan gacanta ku haya ciidamada DF,” ayuu yiri Col. Shaamow.
Dhanka kale, Afhayeenka maamulka gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Xuseen Shiine oo la hadlay warbaahinta ayaa isna xaqiijiyay in ciidamada dowladda ay dib ula wareegeen tuulada Warmaxan, xaaladduna ay deggen tahay.
Ugu dambeyn, ma aha markii ugu horreysay oo xoogagga taabacsan Al-shabaab ay weerar ku qaadaan deegaanka Warmaxan, iyagoo sannadkii lasoo dhaafay marar is-xiga weeraray deegaankaas oo ay dhowr jeer la wareegeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya