
Intii uu kulanku socday ayaa la isla qiray in Ugaas C/rixmaan Ugaas Khaliif uu ahaa shaqsi aqoonyahan ah, af-gaaban, inta badana ka qayb-qaata kulamada dib-u-hishiisiinta iyo kuwa lagu wacyi-galinayo bulshada Soomaaliyeed.
Dadkii ka hadlay kulankan ducada ah ayaa marxuum Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ALLE uga baryay inuu Jannatul Fardowso ka Waraabiyo, isla markaana uu kitaabkiisa gacanta midig ka siiyo.
Ugu dambeyn, Waxaa kulanka soo xiray Suldaan Maxamuud X. Ibaarhim [Cag-ma-dhige] oo sheegay in Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif uu ahaa mid ka mid ah Tiirarkii dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana aysan marna illaawi doonin sidii uga qayb-qaadan jiray Dib u heshiinsiinta iyo Nabadeynta Ummadda Soomaaliyeed.
DAAWO: Tacsi iyo Duco loo Sameeyay Marxuum Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif;
Abaadir Cabdul-qaadir
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya