RW hore ee Somalia Farmaajo oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif


Isniin, Janaayo 04, 2016 (HOL) — Ra’iisal wasaarihii hore ee Xukumaddii KMG-ka ahayd ee Somalia, ahna Guddoomiyaha Xisbiga TAYO, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif  Ugaas Rooble oo si weyn looga yaqaannay dhulka ay Soomaalidu degto.

Farmaajo ayaa ku tilmaamay, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo shalay ku Geeriyooday magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan inuu ahaa shakhsi Nabadda jecel, isla markaana ay ku weyn tahay Soomaalinimada.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun; Allah u naxariisto marxuumka waxaa si weyn loogu xusuusan doonaa hawlihii muhiimka ahaa ee uu u hayay bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen; nabadeyntii iyo dib u heshiisiintii uu waday illaa ay kaga Timaaddo geerida. Waxaana ALLE uga baryayaa inuu ka Waraabiyo Jannatul Fardowsa,’’ ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, RW hore ee Somalia Farmaajo ayaa intaa ku daray."Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga TAYO iyo magaca ummadda Soomaaliyeed, waxaan u dirayaa tacsi Tiiraanyo leh qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo shalay ku geeriyooday magalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.”

Ugu dambeyn, Tacsi tan oo kale ah ayaa waxaa Caalamka oo dhan kasoo diraya shacabka Soomaaliyeed oo isugu jira mas'uuliyiin, waxgarad iyo dadweyne kale, kuwaasoo si weyn uga naxay geerida Ugaaska.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya