
Isniin, Janaayo 04, 2016 (HOL) — Wasiir ku-xigeenka gaadiidka cirka iyo dhulka maamul goboleedka Galmudug, Cabdisamad Yuusuf Cilmi ayaa sheegay in Maalmo ka hor uu ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa, weerarkaas oo ka dhacay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
C/samad Yuusuf ayaa sheegay in kooxaha hubeysan oo Watay Dharka Ciidamada oo wata gaari ay ku hor-gooyeen baabuurkii uu watay, ayna rasaas ku fureen, balse aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray.
“Xilli aan marayay degmada Waabari ayaa gaari rag hubeysan oo xirnaa dharka ciidamada ayaa waxay gaarigayga ku hor-jareen gaari ay wateen, aniguna waan ka booday gaariga, rasaas ayayna billaabeen, balse waan ka badbaaday Illaahay mahaddiis,” ayuu wasiirku xigeenka Galmudug hadalkiisa ku daray.
Sidoo kale, wasiir ku xgieenka ayaa sheegay in wax yar kaddib uu tagay goob ay ku sugnaayeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, markii dambena ay baxsadeen kooxdii hubeysneyd ee weerarka ku soo qaaday.
Dhanka kale, C/samad ayaa hadalkiisa ku daray inuusan garan karin cida ay ahaayeen raggii weeraray, balse uu u maleynayo inay yihiin kooxihii dilalka ka geysta Muqdisho, sababta loo beegsadayna ay tahay xilka uu hayo.
Ugudambeyn, muddooyinkii u dambeeyay waxaa Muqdisho kusoo badanayay kooxo gaari yar wata oo dilal u geysanaya sarakiisha dowladda Somalia iyo ciddii ay doonaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya