
Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Arbacada maanta ah sheegay in sii daayeen 10 badmaaxe oo ciidamada badda Mareykanka ka tirsan, maalin kaddib markii ay galeen biyaha caalamiga ah ee dalka Iiraan.
Bayaan kasoo baxay ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa lagu xusay in dowladda Mareykanka ay raali-gelin ka bixisay soo gelitaanka biyaha Iiraan, ayna xaqiijisay inaysan mar kale dhici doonin.
Jen. Ali Fadavi oo ah madaxa badda ee ilaalada kacaanka, ayaa sheegay in cillad ku timid qalabkii hagayey ciidamada ay sababtay in ciidamadan ay soo galaan biyaha dalka Iiraan.
Ciidankan oo ka koobn sagaal rag ah iyo haweeney ayaa laba doomood oo yar ku safrayey gacanka Persia ee u dhaxeeya dalalka Kuwait iyo Bahrain, markii ay lumiyeen xiriirkii ay la lahaayeen taliska Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaan soo hadal qaadin dhacdadan markii uu xalay khudabdiisii ugu dambeysay ee Qaranka uu jeediyey, ayaa ka hadlay heshiiska hubka nuclear-ka waddanka Iiraan, isagoo yiri. “Caalamaka wuxuu ka fogaaday dagaal kale”.
XIGASHO: VOA SOMALI