
Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kimaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xubnaha wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah; wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, waxayna ka dhoofeen degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada oo uu madaxweyuhu shalay ka furay Shirweynaha lagu dhisayo maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Waxaa kaloo Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ee maanta gaaray Kismaayo ka mid ah; madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ahaa xubnaha safarkii uu ku tagay shalay ku tagay degmada Jowhar.
Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) iyo RW Somalia Cumar C/rashiid, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Somalia.
Socdaalka Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisu ay ku tageen Kismaayo ayaa salka ku haya shirka looga hadlayo doorashooyinka sannadka 2016-ka ka dhici doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado inuu shirkaas furmo Gellin-ka dambe ee maanta oo Arbaco ah.
Dhanka kale, Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen Kismaayo ayaa waxay imaanaysaa iyadoo shalay ay Kismaayo Gaareen Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Ugu dabmeyn, Shirka ka furmaya degmada Kismaayo ayaa go’aan looga gaari doonaa sida ay noqonayso doorashada Sannadkaan dhammaadkiisa ka dhacaysa Somalia, taas oo horay loo sheegay inaysan noqon karin mid qof iyo cod ah.
Wixii kasoo kordha furitaanka Shirka Kismaayo waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya