Shirkii Wada-tashiga ee Kismaayo ka furmi lahaa Maanta oo Baaqday lana filayo inuu Berri furmo


Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Shirkii Kismaayo oo lagu waday inuu furmo gellinkii dambe ee maanta oo Arbaco ah ayaa mar kale dib u dhacay, taasoo Mas’uuliyiinta Jubba-land ay u sababeeyeen iyadoo Qaar ka mid ah xubnaha Beesha Calaamka shirka ka Qayb-geli lahaa aysan weli soo gaarin Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, C/nuur Cali Aadan oo shir jaraa’id Kismaayo ku Qabtay ayaa sheegay in Shirka Wada-tashiga Qaran ee maanta Kismaayo ka Furmi lahaa uu dib u dhacay, balse uu rasmi ahaan u furmi doono maalinta berri ah.

“Maanta waxaa lagu waday inuu degmada Kismaayo ka furmo shirweynaha Wadatashiga Qaranka ee doorashooyinka dhici doona sannadkan 2016-ka, laakiinse dib ayuu u dhacay, berri ayuuna furmi doonaa,” ayuu yiri C/nuur Cali.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in mas’uuliyiintii shirka ka qayb-geli lahaa ay intooda badan magaalada Kismaayo soo gaareen, laakiinse ay sugayaan xubno Beesha Caalamka ka socda.

“Kismaayo waxaa ku sugan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya iyo ergooyin kale oo caalamka ka socda, kuwaasoo doorkoodu uu noqonayo inay innaga nala dardaarmaan wixii talo ah ee ay qabaanna ay noo sheegaan,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.

Ugu dambeyn, Wasiir C/nuur Cali Aadan ayaa sheegay in shirkan ay Soomaalidu leeyihiin, waxaana marti-gelinaya Soomaali, mana jiraan wax dhibaato ah. Annaga ayaa Tashanayna. wixii kasoo baxana Soomaali ayaa iska leh.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo ahayd inuu furmo 10-ka bishan Janaayo ayaa dhowr jeer dib u dhacay, taasoo ay sabab u ahayd iyadoo mas’uuliyiintii Shirkaan ka Qayb-geli lahaa aysan gaarin magaalada Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya