
Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa joojisay qorshayaashii ay ku doonaysay inay ku ballaariso xuduudaha magaalada Addis Ababa, kaddib Dibad-baxyo ay bilooyinkii u dambeeyay dhigayeen qomiyadda Oroma oo kasoo hor-jeeda Qorshahan.
Dibadbaxayaasha kasoo jeeda gobolka Oromo ee dalka Itoobiya ayaa waxay ku eedeeyeen xukuumadda Itoobiya inay doonayso inay barakiciso beeraleyda ka soo jeeda gobolkooda.
Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Calaamka ayaa sheegay in Qiyaastii 140-qof oo shacab ah lagu dilay dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhacay Itoobiya, iyagoo sheegay inay dadkan toogasho ku dileen ciidamada ammaanka Itoobiya.
Xisbiga maamula Gobolka Oromo ayaa isna sheegay in qorshayaas la tuuray kaddib Wada-hadallo lala yeeshay shacabka Oromada. Iyadoo madaxda xisbiga OPDO ay Warbaahinta u sheegeen in go’aankan uu yimid wadahadallo socday muddo saddex maalmood ah.
Sidoo kale, xisbiga OPDO oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Addis Ababa ayaa la sheegay inay Qorshahan lagu ballaarinayo Caasimadda si wadajir ah u wadeen, isla markaana ay go’aankan lagu joojiyay qorshaha ballaarinta Addis Ababa hormuud u yihiin.
Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya ayaa ah qowmiyadda ugu ballaaran bulsho ahaan iyo deegaan ahaan, waxayna ku nool yihiin deegaannada ku hareeraysan Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.
Dhanka kale, Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in tirada dhimashada mudaaharaadyadii ka dhacay Itoobiya ee hay’adaha Xuquuqda Aadanuhu baahiyeen ay yihiin kuwo xaqiiqada ka fog, iyagoo sheegeen mas’uuliyiin u hadashay xukuumadda Itoobiya inay dhibteen shan qof oo keliya.
Safiirka Itoobiya ee Britain, Abiy Berhane ayaa BBC-da qaybta Afrika la hadasha ee Focus on Africa u sheegay in Xukuumaddu ay ka fogaanayso isku-dhacyo ka dhaca gudaha Dalka Itoobiya, isagoo xusay in dibadbaxaya ay doonayaan in ay dalka ka dhacaan Rabashado iyo isku-dhacyo dhexmara bulshada Itoobiya.
Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in qorshahan ay fulin doonaan markii xiisadda hadda taagan laga gaaro heshiis buuxa. Iyadoo mucaaradka Oromada ay sheegeen in go’aankaan cusub ee dowladda Itoobiya uu yimid xilli dhibaatooyin badani ay dhaceen.
Ugu dambeyn, Mudaaharaadyadii rabshadaha watay ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu waa-weynaa ee wadanka Itoobiya ka dhaca muddo sanado ah, iyadoo Qowmiyadda Oromada lagu tilmaamay inay tiro ahaan gaarayso 25 milyan marka loo eego tirada guud ee shacabka Itoobiya oo gaaraysa 74 milyan oo qof.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya