War-murtiyeedkii shirka horumarinta saxaafada Somalia ee Muqdisho lagu soo Gaba-gabeeyay


Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Iyadoo 11-kii illaa 12-kii bishan Jannaayo, Muqdisho ka socday shir looga Arrinsanayay Horumarinta Warbaahinta Somalia ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 13-qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta warbaahinta Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota.

Haddaba; War-murtiyeedka ayaa u Qornaa sidan:

1. Ka Qayb-galayaasha Shirka waxay u mahad-celiyeen Wasaarada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya iyo wasaaradaha warfaafinta maamul-goboleedyada, waxayna soo dhaweeyeen una mahad-celiyeen Hay’adaha IMS/Fojo, UNESCO, SMSG iyo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo taageeray shirkaan muhiimka ah. Sidoo kale waxay uga mahad-celiyeen IMS/Fojo doorkooda ku aaddan diyaarinta Barnaamijkaan, qorshaha istraatejiyada horumarinta warbaahinta iyo soo ururinta macluumaadka muhiimka ah ka dib booqashooyinkii ay ku kala bixiyeen gobollada dalka.

2. Ka qayb-galayaashu waxay dib u eegis ku sameeyeen; isla markaasna ay isku waafaqeen in la dhaqan-geliyo Istraatejiyada Horumarinta Warbaahinta Soomaaliya ee shanta sano ee soo socota (2016 illaa 2020).

3. Ka qayb-galayaashu waxay ku ballameen inay si wadajir ah u wada- dhaqan-geliyaan Is-traatiijiyada, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed, suxufiyiinta, ururada metela war-baahinta metela iyo Beesha Caalamka. Waxaana mar walba door Hoggaamineed iyo isku-xirka qaadanaya wasaarada warfaafinta Dowladda Somalia, iyadoo la tashaneysa maamul-goboleedyada iyo qaybaha Warbaahinta Madaxa-bannaan ee dalka.

4. Ka qayb-galayaashu waxay ku heshiiyeen inay yeeshaan wada-shaqeyn buuxda oo dhan walba ah - sida diiwaan-gelinta hay’adaha warbaahinta ee ka howlgala dalka, sharci-siinta hay’adahaas iyo inay xiriir wanaagsan ka yeeshaan Arrimaha deegaan walba kusoo kordha. Waxaana hogaanka & isku-xirka mar walba leh wasaarada warfaafinta dowladda Somalia.

5. Ka qayb-galayaashu waxay soo dhaweeyeen xeerka Saxaafadda Somalia, iskuna raaceen inuu noqdo midka rasmiga ah oo maamul-goboleedyadana ay si buuxda Xeerkan u Waafa-jiyaan xeerarkooda Saxaafadda.

6. Ka qayb-galayaashu waxay isla garteen in dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda laga wada-shaqeeyo, bacdamaa xeerku uu maareynayo cabashooyinka & hab-dhaqanka shaqsiyaadka ama hay’adaha Warbaahinta ee ku Xad-gudba Xeerka Saxaafadda, Anshaxa iyo Asluubta warbaahinta. Waxaana la isla qaatay inay lagama maarmaan tahay in dhammaan dalka laga sameeyo wacyigelin lagu sharraxayo muhiimada dhaqan-gelinta xeerka saxaafadda. Fulinta barnaamijkaan waxaa laga codsaday hay’adaha warbaahinta taageera iyo Beesha Caalamka inay gacan ka geystaan dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda.

7. Ka qayb-galayaashu waxay isla qiimeeyeen duruufaha ay ku shaqeeyaan Wariyayaasha iyo guud ahaan warbaahinta Somaaliyeed, waxayna Ammaaneen Horumarka laxaadka leh ee ay sameynayso warbaahinta Soomaaliyeed. Waxayna xaqiijiyeen in Dowladda Somalia ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyada saxaafadda iyo xoriyatul-qowlka sida uu qabo qodobka 18-aad ee Dastuurka KMG ah.

8. Ka qayb-galayaashu waxay cambaareeyeen ficilada dilka, dhaawaca iyo Han-jabaadaha ah ee kooxaha argagixisada ah ku hayaan weriyayaasha & weliba warbaahinta Somalia iyo xariga sharci darada ah, iyagoo ciidanka Amniga ugu baaqeen inay gacanta kusoo dhigaan dambiilayaasha oo sharciga la hor-keeno.

9. Ka qayb-galayaashu waxay amaan iyo mahadcelin u jeediyeen dowladaha iyo hay’adaha taageera warbaahinta Soomaaliya; waxayna ugu baaqeen inay sii xoojiyaan Taageeradooda xiligan warbaahinta Somalia galayso marxaladda cusub.

10. Ka qayb-galayaashu waxay ugu baaqeen hay’adaha iyo Ururrada taageera Warbaahinta Soomaaliya ama ka shaqeeya arrimaha warbaahinta inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay ka hawl-galaan; una Gud-biyaan Qorshe Hawleed-yadooda oo dhameystiran iyo miisaaniyada ay ku howl-galayaan.

11. Ka qayb-galayaashu waxay soo jeediyeen in dowladda federaalka Somalia lagala tashto dhammaan mashaariicda warbaahinta ee hay’adaha caalamku ay ka fulinayaan Somalia, oo aysan hay’ad ka howlgeli karin Somalia; iyagoon ogolaansho ka helin dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ay ka howl-galaan.

12. Ka qayb-galayaasha waxay xuseen in Dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada ku midoobaan horumarinta warbaahinta dalka iyo Wacyi-gelinta bulshada, sida Dastuurka, nidaamka federaalka, doorashooyinka, Ammaanka, dib-u-heshiinta iyo Dowlad-wanaagga. Waxaana la isla gartay in si Mideysan oo Xil-kasnimo leh looga Wada-howl-galo; iyadoo wasaarada warfaatina Somalia ay door hoggaamineed ku yeelaneyso.

13. Ugu danbeyn, ka qayb-galayaashu waxay ka codsadeen hay’adaha caalamka & Dalalka taageera Horumarinta Warbaahinta Somaaliyeed in Shir Deeq-bixiye-yaasha ah lagu Qabto Nairobi sida ugu dhaqsiyo badan si loo codsado dhaqaalaha lagu fulinayo Istraatejiyada iyo Xeerka Saxaafadda. Waxaana loo Xil-saaray Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka Somalia & IMS/Fojo isku-xirka, xiriirinta iyo hir-gelinta go’aanada shirka iyo shirka deeq-bixiyeyaasha ee Nairobi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya