
Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Afar askari oo hore maxkamado ay dil toogasho ah ugu xukumeen, kaddib markii ay ku caddaatay in mid walba uu si gooni ah u toogtay ruux kale, ayaa maanta ciidamada Somaliland ku fuliyeen dil toogasho ah.
Xeer-ilaaliyaha guud ee Somaliland, Xasan Aadan ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in dil lagu fuliyay manta C/risaaq Maxamed Kheyre, oo hore ugu dilay magaalada Berbera, X/lle Aadan Guuleed Daahir taliyihii ciidamada birmadka boliiska ee magaalada Berbera.
Waxaa kaloo, maanta dil lagu fuliyay C/casiis Saciid Warsame oo hore u Toogtay Taliyihii guutada 93-aad ee ciidanka Somaliland ee gobolka sanaag Bashe Cabdi Cali.
Xeer-ilaaliyuhu wuxuu kaloo xusay in isla maanta dil lagu fuliyay C/llaahi Cabdi Cilmi, oo hore ugu dilay Hargeysa nin shicib ahaa oo magaciisu ahaa Cabdi Cismaan Cali.
Qofka afraad ee maanta dilka toogashada ah lagu fuliyay ayaa ahaa Cismaan Hirad Diiriye, oo horay ugu dilay gabolka Awdal sarkaal ka tirsanaa ciidamada Somaliland oo magaciisu ahaa Axmed weli.
Sida warku sheegayaan looma oggolaan saxaafadda goobihii dilalkaas toogashada ah ay ku fulinayeen ciidamada. Dadweynaha ayaa si isdaba joog ah ugu boorinaayay xukuumada in la dilo qofkii qof dila haddii aan qoyska wax laga dilay cafinin.
XIGASHO: BBC SOMALI