Shirweynaha Qaran ee Horumarinta Saxaafadda Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) —Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta si Rasmi ah uga furmay Shir-weynaha qaran ee Istaraatijiyadda Horumarinta War-baahinta Soomaaliyeed ee 5-ta sano ee soo socota.

Shirkan ayaa waxaa kas qeybgalay ra'iisul wasaare ku xigeenka Somalia Maxamed Cumar Carte, wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeye, Wasiirrada Warfaafinta Puntland, Galmudug, Koonfur-galbeed iyo Wakiillo ka socday Jubbaland.

Sidoo kale waxaa shirka goobjoog ka ah wakiillo ka socday hay'adaha u dooda saxaafadda, madaxda ururrada saxaafadda madaxa bannaan ee dalka iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha xarumaha warbaahinta Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa furay RW ku xigeenka Somalia , isagoo sheegay in shirkani yahay mid ahmiyad gaar ah leh, isla markaana la rabo in laga soo saaro is-taraatijiyad ay ku shaqeyn karto warbaahinta Somalia shanta sano ee soo socota.

Wasiirka Warfaafinta, hidaha iyo dhaqanka dowladda Somalia, Maxamed Cabdi Xayir oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada shirkan ay tahay in marka koowaad laga doodo istaraatijiyada shanta sano ee warbaahinta dalka iyo in sidoo kale lagu soo bandhigi xeerkii saxaafadda Soomaaliya ee uu baarlamanku ansixiyay Madaxweeynuhuna saxiixay.

Sidoo kale waxaa meesha ka hadlay xoghayaha ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed Max'ed Ibraahim Bakistaan, isagoo ka sheekeeyay marxalidihii kala duwanaa ee uu soo maray xeerka saxaafadda Soomaaliya, kaa oo uu xusay in ka urur ahaan ay kaalin weyn ku lahaayeen.

Madaxda maamul-gobleedyada oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa waxay shegeen inay soo dhaweynayaan sharciga xeerka saxaafadda Somalia ee uu baarlamaanku Ansixiyay, iyagoo sheegay in qodobbo ay jeclaayeen in wax laga badalana ay ka rajeeynayaa gudiga gacanta ku haya in ay ku daraan xeer hoosaadka uu yeelan doono sharcigaasi.

Kulanka ayaa la filayaa in lasoo gaba-gabeeyo berry oo Talaado ah, iyadoo laga soo saari doono Warmurtiyeed ku saabsan Qodobbada ay isku af-garteen dhinacyada Warbaahinta Soomaaaliyeed.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya