PROF. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay sida loo xoojin karo Midnimada Somalia (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka Qayb-galay kulan ay soo Qaban-qaabisay Xarunta Dhaqanka ee Aw-Jaamac Cumar Ciise oo maanta Nairobi lagu qabtay ayaa ka hadlay nabadda iyo Midnimada Somalia, isagoo sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay yihiin kuwa is-jecel laakiinse ay haysato caddaalad-darro.

Baraha, ayaa tibaaxay hannaanka siyaasadeed ee Somalia iyo nidaamka federalka ee hada ka jiro oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aanan xal u keeni karin dadka Soomaaliyeed.

Baaritaano ku aaddan federaalka oo ay sameeyeen ayuu ku sheegay Professor-ku inay ku ogaadeen, in shacabka Soomaaliyeed badankoodu aynan ka war-haynin qaabka uu yahay federalka hada ka jiro Somalia.

Dhanka kale Prof. Cabdi Ismaaciil ayaa ku qeexay Federalka loo baahan yahay inuu noqdo mid qof kasto oo Soomaaliyeed uu ku heli karo xaqiisa, uuna uga heli karo meel kasto oo Somalia ka mid ah. Wuxuuna ammaanay midnimada Soomaaliyeed oo uu ku asteeyay iney tahay mida kaliya ee lagu wada noolaan karo.

Da'yarta Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka, isagoo xusay in loo baahan inay dhallinyarada Soomaaliyeed lala socodsiiyo halka ay mareyso Siyaasada Somalia, madaama ay yihiin Madaxdii mustaqbalka.

Dhibaatooyinka ka jiro Soomaaliya ayuu sheegay inay salka ku hayaan caddaalad daro iyo hoggaan-xumi baahsan, Wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay wadajirka iyo nabadda kawada shaqeeyaan; si loo helo Qarannimo Soomaaliyeed oo buuxda.

Ugu dambeyn, Prof. Samatar oo ka mid ah aqoon-yahannada Soomaaliyeed kuwooda ugu Macaga-dheer, isla markaasna ah Macallin Jaamacadeed oo buuggaag kala duwan Qoray, ayaa wuxuu ka mid yahay hoghaanka sare ee Xisbiga Siyaasadeed ee Hiil-Qaran oo ay ku bahoobeen aqoon-yahanno kale duwan oo Soomaaliyeed.   

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya