SAWIRRO: Dibadbax lagu Taageeray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo Muqdisho ka dhacay


Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Boqollaal Dadweyne ah ayaa Maanta isugu soo baxay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, kuwaasoo dhigay dibadbax ay ku taageerayaan nabada Muqdisho iyo La-dagaallanka kooxda Al-shabaab, iyagoo watay boorar kala duwan ay ku muujinayaan shucuurtooda.

Dadweynahaan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxay kusoo ururay xarunta degmada Wardhiigley, waxaana halkaas khudbado kala duwan uga jeediyay madax iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamullada degmoyinka gobolka Banaadir.

Mudaaharaadkan oo ay soo agaasintay hay'ada wadahadalka bulshada CCD, isla markaana suuro-geliyay ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa madaxdii halkaasi khudbadaha ka jeediyay waxay diiradda saareen sidii la isaga kaashan lahaa adkeynta amniga Muqdisho iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Guddoomiyaha ururka haweenka, Jawaahir Baarqab oo khudbad ka jeedineysay dibadbaxa dhigayay ayaa sheegtay in Shacabka Muqdisho ay ku dhaliilayso sida ay uga gaabiyeen la shaqeynta hay'adaha amniga.

"Baabuurta miinada lagu xiray ee lagu qarxinayo dadka rayidka ah, garaashyo ayay kasoo baxaan," ayay tiri Jawaahir Baarqab oo tacsi u dirtay dhammaanba Dadweynihii ku Wax-yeeloobay qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa dibadbaxa ka Hadlay Guddoomiye ku xigeenka Degmada War-dhiigley, Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed oo uga mahad-celiyay hay'adda CCD oo soo abaabushay mudaaharaadka lagu Taageerayo Nabadda Muqdisho, isagoona ka codsaday Dadweynaha deggen degmooyinka gobolka Banaadir inay ciidanka ku war-geliyaan kuwa falalka amni-darrada ah kawada caasimadda.

Agaasimaha Ammaanka Gobolka Banaadir, Mahad Xuseen Axmed ayaa isna sheegay inay la qaybsanayaan murugada dadka ay dhibaateysay Al-shabaab, isagoona Tilmaamay in ay taariikhdu xuseyso qof kasta oo abaal u gala dalkiisa iyo dadkiisa.

"Waa qof walba waajib muqaddas ah ku ah inuu ummadda ka badbaadiyo Al-shabaab," ayuu yiri agaasime Mahad Xuseen oo hoosta ka xariiqay inay dhammatay cabsidii laga qabay kooxda Al-shabaab.

Ugu dambeyn, bannaan-baxan ayaa kusoo beegmay xilli dbayaaqadii sannadkii hore 2015-ka ay Muqdisho ku sii kordhayeen dilalka, qaraxyada iyo weerarada ee Al-shabaab uu ku hayay caasimada dalka, kuwaasi oo naf, maal iyo hantiba ku bururiyay, isla markaana lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo xoogag ka tirsan kooxda Al-shabaab oo qaarkood u xiran dambiyo ay ka geysteen Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya