
Isniin, Janaayo 11, 2016 (HOL) — Waxaa lagu soo waramayaa inuu dib u dhacay mar kale shirka wadatashiga doorashooyinka Somalia ee maanta la filayay inuu ka furmo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Baaqashada shirkan ayaa waxaa BBC-da u xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Jubbaland, Maxamed Warsame Darwiish, iyadoo magaalada Kismaayo ay gaareen qaar ka mid madaxweynayaasha maamul-goboleedyada ka jira dalka.
Sidoo kale, Waxaa maanta la filayaa inuu Kismaayo gaaro madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sidoo kalena ay shalay Kismaayo gaareen Beesha Caalamka ka socday, waxaana ka mid ahaa wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhanom.
Qodobbada ugu waaweyn ee shirkan looga xaajoojin doono ayaa waxaa ka mid ah qaabka ay noqonayso doorshada dabayaaqada sanadkan la filayo in Somalia ay ka dhacdo, taasoo aan weli go’aan rasmi ah laga gaarin.
Ugu dambeyn, dib u dhaca maanta ku yimid Shirka Wada-tashiga Madaxda dalka oo lagu waday inuu furmo shalay oo ahayd 10-ka bisha Jannaayo ayaa noqonaya markii labaad oo uu dib u dhac ku yimaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya