Golaha Guurtida oo soo Dhex-galay Khilaafkii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Xaaladda Golaha Wakiillada ayaa maanta deganayd kaddib markii shalay gacan ka hadal uu dhex-maray Guddoomiyaha Golaha & Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha.

Xeyn-daabka Golaha ayaa waxa Amaankiisa sugayey Ciidammo badan la keenay, waxaana markiiba labadda dhinac la hadlay  shirgudoonka  guurtidda oo codsaday in muddo fasax la gallo.

Sidoo kale, 13 xildhibaan ayaa golaha keenay mooshin ay ku codsanyaaan in muddo fasax la gallo si loo kala dhexgalo shirgudoonka.

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee golaha Wakiiladda Somaliland Cali Yuusuf ayaa maanta Shir-gudoominayey, Waxaanu ka Aqbalay 13-kii Xildibaan ee codsaday in fasax la gallo si khilaafka shirgudoonka loo soo afjaro, sidaasna wax ka caqballay golaha iyo shirgudoonkaba.

Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee golaha Cali Yuusuf ayaa sheegay in ilaa Ciidda Goluhu Fasax yahay, isla markaana bacdda ciida Carafo la isku iman doono.

Shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa xafiisyadooda ugu tagay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo ku xigeenkiisa si Xaaladda loo dajiyo.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan kala erdheeyey guddoomiye CIrro iyo Baashe ayaa salka ku haya danaha xisbiyadda ka soo kala jeedaan ee KULMIYE iyo WADANI, sidoo kale, shirkadaha doonaya inay haamaha shiidaalka la wareegaan ayaa iyaguna saameyn ku dhex leh xildhibaanadda golaha Wakiiladda taasina ay keentay in khilaafka goluhu cirka isku shareerto.

Xildhibaanada Shalay keenay Mooshinkii lagu Taageerayo Heshiishkii Xukuumadda ay la gashay Shirkadaha ayaa ahaa  badankoodu isla kuwii hore u Laalay Heshiishkaan oo fikir-kooddii hore bedelay, hadana taageersan in heshiish lala gallo shirkadaha.

Xisbiyadda mucaaradka gaar ahaan gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isagu khaladkii golaha ka dhacay ku eedeeyey gudoomiye ku xigeenka, Baashe Maxamed oo uu sheegay inuu ixtiraami waayey gudoomiyihiisa.

“Horta Wakiillada Wixii shalay ka dhacay Boqolkiiba 80%, Waxay Dusha ka saaran tahay guddoomiye xigeenka. Sida uu shalay u macaamilay si odaynimo ah iyo si sharci ah midna ma ahayn. Guddoomiyuhu isagu Sharci ayuu cuskaday oo wuxuu yiri; wuxuu qorayaa xeer hoosaadkeenu mooshinka fadhigan lagaga dooday in fadhiga dambe la keeno, dee arrintu halkaas bay ku dhammayd ee laakiin in Makarafoonka la qabsado oo lagu dagaalamo ma ahayn, wixii halkaas ka dhacayna inta badan waxay dhakada ka saaran tahay guddoomiye xigeenka”ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland