
Axad, September 13, 2015 (HOL) — Ciidamada Xerada 54-aad ee Garoowe ayaa Maanta sameeyay Gadood, kaddib markii sheegeen in Mushaaraadkoodii aysan ka helin Maamulka Puntland muddo Siddeed bilood ah.
Gadoodka Ciidamadaan ayaa yimid kaddib markii uu Bur-buray kulan dhex-maray Saakay Saraakiisha Xerada 54-aad iyo Maamulka Lacagta ciidamada Puntland; iyadoo saraakiishu ay sheegeen inaysan gacan ku hayn Mushaarkii ay ka Dalbadeen Maamulka Puntland.
Sidoo kale, Ciidamadan ayaa rasaasta kala duwan cirka u ridayay intii uu socday gadoodka ay sameeyeen Saakay; iyadoo sidoo kale Wararku ay intaas ku darayaa in xerada ay xireen ciidamadan gadoodka sameeyay.
Askarta gadoodka sameeyay maanta ee ku xareysan xerada 54-aad oo duleedka Garoowe ku taalla ayaa waxaa intooda badan lagu soo tababaray waddanka Itoobiya, iyagoo sheegay inaysan Mushaar helin tan iyo markii Xeradan lagu Xareeyay.
Gadoodka Ciidamadaan ayaa imaanaya Maalmo kaddib markii Ciidammo ka Tirsan kuwa Birmadka Puntland ee ka Howlgala Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kuwaasoo intii uu Xilka hayay Madaxweyne C/weli Gaas Dhibbada loo Taagay ay xireen Bar-kontrool oo ku taalla Boosaaso.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soo-cadde oo Warbaahintu ay wax ka weydiiyeen Gadoodka ciidamadu sameeyeen ayaa beeniyay inaysan jirin mushaaraad ka maqan ciidamada Puntland.
Dhinaca kale, Ciidankan ayaa Gadoodkoodu kusoo beegmayaa xili Ganacsatada Puntland ay ka Cawdeen lacago Cusub oo Shillin Soomaali ah oo Suuqyada Puntland lasoo galiyay; taasoo Maamulka Puntland uu beeniyay.
Gadoodkan ayaa wuxuu sidoo kale imaanayaa xilli Madaxweynaha Puntland uu ka maqan yahay Garoowe, isagoo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Somalia ee Kismaayo uga Qayb-galay shalay Xafladdii Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, Sheekh Axmed Madoobe.
Ugu dambeyn, garoodka ciidamadan ay saaka ka sameeyeen Xarunta Puntland ee Garoowe ayaa kusoo beegmaya Xilli bilhii lasoo dhaafay Sidaan oo kale ay u sameeyeen Gadoodyo Askar ka tirsan Puntland oo ka cabanaya Mushaar la’aan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya