MINNESOTA: Waddooyinka Somalia St, Oromo St & Taleex Ave oo Xariga laga jaray (SAWIRRO)


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Waxaa Shalay oo Sabti ahayd Xarigga laga Jaray Waddooyinkii Magaalada Minneapolis loo bixiyay Magacyada Somali St. Oromo St iyo Taleex Ave. waxaana kasoo Qayb-galay Xafladda Furitaanka Waddooyinkaan boqollaal dadweyne ah, kuwaasoo u badnaa Dumar, Caruur iyo dhalinyaro deggen xaafadda ay ku yaallaan Waddooyinkan.

Xilligii la billaabayay Xafladda ayaa meesha Tabeellaha Oroma Street ku yaal Waxaa lagu arkayay in dadka kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada ay aad u soo buux-dhaafiyeen; balse halka Magacyada Soomaaliya uu ku yaallayna ay cidlo ahayd, inkastoo markii la furayay Munaasabadda ay dad badan oo Soomaaliyeed ay soo buuxiyeen.

Munaasabadan oo ugu horreyn lagu Daah-furay waddada Magaca Oromo St uu ku Qornaa ayaa waxaa laga dheehanayay farxad iyagoo ku luuqaynaayay heeso Waddani ah oo ay isla Qaadayeen Shacabka Oromada; kaddib Waxaa Xarigga ka jaray Madaxa dagmada 6-aad ee Minneapolis Mudane Cabdi Warsame oo ay huwiyeen calanka Waddankooda.

DAAWO: Furitaankii Waddooyinka; Soomaali Street, Oromo Street iyo Taleex Ave;

Intaa kaddib waxaa loo dhaqaaqay dhinacaa iyo waddada Somali St, Waxaana ay shacabka Soomaaliiyeed ay markoodii ku Heesayeen – Heesta Caanka ah ee ‘Soomaaliyeey toosoo’ iyadoo markii xarigga laga jarayay dadku sidoo kale ay farxad weyn muujiyeen, waxaa loo sii gudbay Waddadda Taleex Ave. iyadana waxaa laga soo jeediyay khudbado badan oo looga sheekeeyay Halganka meesha ay magaaladan Taleex kaga jirto; waana sababta ay magaca ku qaadatay buu yiri Cabdi Warsame oo markale ka hadlayay furitaanka Waddada Taleex.

Sidoo kale, waxaa xirnaa maanta wadooyinka ku yaal aagaarka Xaafadda Cedar Riverside, Waxaana ciyaalka loo keenay qalab badan ay ku ciyaarayeen. waxaana lagu soo bandhigay xafladda Cayaaro, Heeso, Gabayo iyo Alaabada Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida iyo Oromada ay Caanka ku yihiin.

Ugu dambeyn, Waxaa kasoo Qayb-galay Madax kala duwan iyo Dadwayanaha Deggen xaafadda, waxayna ku soo idlaatay maanta farxad iyo is-dhex-galka Shacabka Oromada iyo Soomaalida oo aad moodo inay aad isagu soo dhawaadeen.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis Minnesota