DAAWO SAWIRRO: Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Madoobe


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, Waxaa shalay ka dhacday Xaflad ballaaran oo lagu Caleemo-saarayay Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe).

Magaalada ayaa waxaa so gaaray Wufuud ka kala socotay, dowladda Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, urur goboleedka IGAD, madaxda maamul goboleedka Dalka sida Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya, xubno ka socday Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nikolas Key oo qubaddii ugu horeysay ee xaflada lagu casuumay ayaa ugu horeyn hambalyo u diray madaxweynaha Jubbaland, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay ay marwaliba gacan ka geysan doonto sidii Soomaaliya ay ku gaari lahaa nabad iyo xasilooni.

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya Tedros Adhenon oo isna ka mid ahaa madaxdii goobta ka hadashay ayaa sheegay in madaxda maamullada dalka laga doonayo in ay ka shaqeeyaan nabadda & dib u heshiisiinta islamarkaana ay dalka ka saaraan dhibaatooyinkii uu kusoo jiray mudadii 20-ka sano ka badnayd ee laga soo gudbay.

Sidoo kale, Waxaa iyana madasha ka hadlay Xildhibaannada Yuusuf Xaaji iyo Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo labaduba kamid ah baarlamanka dalka Kenya, waxayna hambalyo u direen madaxweeynaha Jubbaland ee loo caleemosaaray hogaanka Jubbaland mudada 4-ta sane ee soo socota.

Madaxda maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo iyaguna goobta khudbado kala duwan ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay hogaanka maamulka Jubbaland martigelinta shirka wadatashiga madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada, iyagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay madaxtinimada Jubbaland oo markii labaad loo caleemosaaray.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo weliba madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud oo iyguna kamid ahaa madaxdii ka qeybqaadatay caleemosaarka madaxweeynaha Jubbaland ayaa ugu hambalyeeyay maamulka Jubbaland sida uu uga shaqeeyay amniga iyo dib u heshiisiinta, waxayna kula dardaarmeen in lasii wado qancinta cid walba oo weax tabaneeysa oo u dhalatay deegaanada Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya