
Axad, September 13, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dhinacyada isku haya Mooshinnada iska horjeeda ee Baarlamaanka la keenay ay isugu yimaadaan Miiska Wada-hadalka.
Jawaari ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay in xildhibaannada ay ka reeban tahay inay Warbaahinta la hadlaan inta ay wadahadalladu socdaan; ayna si aad ah uga digtoonaadaan inay adeegsiga erayada xannafta leh iyo wax walba oo ku keeni kara heshiiska carqalad.
AKHRISO: Qoraalka uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Jawaari;.jpg)
.jpg)
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya