Millateriga Dalka Kenya oo Sheegay in duqeyn ay ku dilee 51 xubnood oo ka Tirsanaa Al-shabaab


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Millateriga dalka Kenya ayaa sheegay inay Duqeyn ay ka geysteen duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ku dileen 51 xubnood oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Afhayeenka Millateriga dalka Kenya Col. David Obonyo ayaa Warbaahinta Kenya iyo tan Caalamka u Sheegay in Duqeyntaan ay dhacday Aroornimadii hore ee Khamiistii Shalay ayna tiriyeen maydadka 51 xubnood oo ah xubno ka tirsan Al-shabaab.

“Duqeyntan waxaa la fuliyay Aroornimadii shalay, illaa hadda Waxaan Ognahay in ay ku dhinteen 51 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaasoo duqeynta lagu dilay,” ayuu Col. Obonyo maanta u sheegay Wakaaladda Wararka dalka Turkiga ee Anadolu.

Col. Obonyo ayaa intaas ku daray. “Waxaanu Duqeynay Saldhigga ugu Weyn ee ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo, iyadoo markii duqeyntu dhacaysay ay ku sugnaayeen saldhigga saraakiil sar-sare oo Al-shabaab ka tirsan, Waxaana ay tani curyaamin doonaa howlaha kooxda.”

Sidoo kale, Afhayeenka Millateriga Kenya ayaa hadalkiisa raaciyay in ciidanka AMISOM oo ay ka tirsan yihiin ay deegaanno kale ka Qabsadeen Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin magacyada deegaanadaas iyo Gobollada ay ku yaallaan.

Hadalka Ciidamada dalka Kenya ay ku sheegeen inay duqeeyeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahayd duleedka Baardheere ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay Kenya sheegtay inay dagaal dhexmaray ciidamadooda iyo xoogag ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen toddoba ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ayaa xaqiijiyay duqeyn lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo diyaaradaha aan lahayn duuliyeyaasha ay la beegsadeen konolyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiishan ka tirsan Al-shabaab.

Weerarka ay Fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa la Sheegay in Saraakiisha lagu dilay uu ka mid ahaa Maxamed Kanu oo ay Kenya ku eedeysay bishii Abriil ee Sanadkan inuu mas’uul ka ahaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaadday Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof oo u badan Ardaydii wax ka baranayay Jaamacaddaas.

Ugu dambeyn, Amaanka Kenya ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dabayaaqada bishan uu booqasho ku tago Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack H. Obama, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago wadanka Kenya oo uu Aabbihii kasoo jeedo isagoo Madaxweynaha Mareykanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, Xakarada Al-shabaab ee Somalia oo weerarro xiriir ah ka geysanaya Kenya tan iyo sanadkii 2011-kii ayaan weli ka hadlin warka kasoo baxay millateriga dalka Kenya ay ku sheegeen inay duqeyn ay ka geysteen Somalia ku dileen 51 Al-shabab ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya