XASAN SHEEKH: Ciidda Awgeed Waa in aan is-cafino una dhaqaaqno dhismaha Qaran Mid ah (SAWIRRO)


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed kala Qayb-galay Salaadda Ciidda oo lagu Tukaday dhacday Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh ayaa mar kale shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda, isagoo dhanka kalena ku baaqay in la adkeeyo midnimada iyo is jaceylka bulshada dhexdeeda.

“Muhimadda koowaad ee shacabka iyo dalka waa amni, si aan amni buuxa u helno waxaa khasab ah inaan si wadajir ah dhibaatadaasi u wajahno. Ilaahay wuxuu inoo fidinayaa naxariis iyo kheyr haddii aan isku duubnaano oo aan mid noqono. Aan Illaahay dartii isku cafinno, ugana shaqeyno midnimada dalkeena. Waxaa kaloo muhiim ah inaan sharciga ilaalinno, dowladnimadana taageerno si waddankeena uu horumar u gaaro, dibna aan usoo ceshano maqaamkii sharafka lahaa ee aan caalamka ku lahayn,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda jooga inay dalka maalgashadaan, si dalka u gaaro dib u soo kabasho dhaqaale, shaqo abuurna loogu sameeyo dhallinyarada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale maliishiyada kooxda Al-shabaab ugu baaqay inay ka faa’ideystaan fursadda weli furan ee cafiska dowladda Somalia, si ay shacabkooda dib ugu soo biiraan.

Salaada Ciidda ayaa Waxaa kala qaybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidamada dalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu gurigiisa xaflad kooban ugu Qabtay mas’uuliyiinta dowladda iyo labada gole.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya