DHAGEYSO: Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo oo Fariin u diraya Shacabka Soomaaliyeed


Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed(Farmaajo) oo ku sugan Maraykanka ayaa Hambalyada Ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan; isagoo Alle uga baryay in sannadka dambe uu barwaaqo iyo nabad-galyo ku gaarsiiyo.

Farmaajo ayaa sidoo kale Farriin u diray Shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu Baaqay inay Gacmaha is Qabsadaan, isla markaana midba midka kale u Gargaaro Xilliyada Adag.

"Waxaa halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed kuwa jooga Gudaha dalka iyo kuwa dibadaha ku nool… Waxaan leeyahay Ciid Wanaagsan ALLE Waxaan ka rajeynayaa in sannadkani kiisa kale uu nooga midka wanaagsan midkaan. Waxaana dadka dhibaateysan ee colaadaha iyo abaaraha in Illaahay ka dul-qaado,” ayuu yiri Farmaajo.

DHAGEYSO: CODKA R/WASAARIHII HORE EE SOOMAALIYA FARMAAJO;

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu fariin u diray shacabka Soomaaliyeed isagoo xusay in uu ka codsanayo in la walaaloobo oo la is-cafiyo; isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadka soo socdo uu noqon doono mid wanaagsan.

"Bulshada Soomaaliyeed waxaan dirayaa in la Walaaloobo oo la Is-cafiyaa, Waxaa hubaa haddii uu Alle idmo in sanadka soo socdo uu noqon doono mid ka si aad ah uga wanaagsan Maanta. Sidaasi darteed waa inaan duceysanaa isna cafinaa, oo aan walaalownaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Ugu dambeyn, RW hore ee Somalia ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay haddii EEBBE idmo Alle Ummadda Soomaaliyeed dhibaatada wuu ka Dul-qaadi doonaa, sida Colaadaha abaaraha iyo gaajada, haddiisi wadajir ah Illaahay loo barto, la isna cafiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya