
Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay meel kasta oo ay joogaan munaasabadda ciidul-firiga oo maanta ah.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Bishii Ramadaan ee Kheyrka badneyd uu Ilaahay Dadka Naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isku naxariistaan, isku gar-gaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.
“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid Ramadaanka, Dadka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad. Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Somalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, Nabad kuwada noolaano iyo in la iska ilaabo wixii tegey Ilaahay dartiisa, si aan wanaaga aan hadda haysano mid ka sii sareysa u gaarno”, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadley xaaladda guud ee waddanka, isagoo sheegay in wax badan la qabtey, wax badanna ay dhiman yihiin, si hawshaasi adag loo qabtana loo baahan yahay in Soomaalida ay la yimaadaan fikir, isku duubni iyo wada shaqeyn joogto ah oo waddanka lagu horumarin karo.
“Soomaaliya si tartiib tartiib ah ayay uga gudbeysaa waayihii mugdiga ee la soo marey. Si aan horumar u gaarno waxaa khasab ah in talada la wadaago. Siyaasad ama go’aan koox gaar ah ay wadato waddankan laguma hoggaamin karo, meelnaa laguma gaari karo. Waxaan wax ku noqon karnaa, meelna ku gaari karnaa inagoo wadatashana, caddaalad ku dhaqanna, iyo inaan dowladnimada iyo sharciga taageerno’’.
Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa sidoo kale baaq u direy maliishiyaadka kooxda Al-shabaab, isagoo xusay in ciddii ka waantowda amaba ka harta dagaal wax ku raadinta , nabaddana taageerta ay dowladda cafis u fidineyso , una fududeyneyso inay dib shacabka uga mid noqdaan.
“Waxaan ugu baaqayaa maliishiyada Al-shabaab in weli albaadada cafiska ay furan yihiin, Fursadna loo siinayo inay Shacabkooda dhinac ka raacaan. Waddankan dhibaato ku Filan ayuu soo marey, umana baahna in mid kale loogu sii daro. Waxaan idin kaga digayaa inaad ku dhimataan xaalad aad waddankiina iyo shacabkiina cadow ku tihiin oo aad baabi’ineysaan. Taasina aakhiro iyo adduunba, wax kuma Heleysaan. Kuwii horey idin ka soo goostey, dowladda Somalia way soo dhoweysey, mana jirto cid wax loo geystey ama la ciqaabey. Marka waa inaad ka faa’ideysataan fursaddan weli idin furan," ayuu Xasan yiri.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somalia ayaa Ilaahay ka baryay in ciiddan teedakale uu ku gaarsiiyo, nabad, horumar, barwaaqo iyo midnimo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya