Jimco, Luuliyo 17, 2015 (HOL) — Magaalooyinka waa Weyn ee wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa laga looga dabaal dagayaa Munaasabada Ciidul Fidriga ama Soon furka, iyadoo Chief Khaadiga Kenyana uu maanta sooman yahay.
Inta badan shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Waddankaan, waxey saaka u Dareereen fagaarayaasha waa weyn ee ku yaallo magaalooyinka kala duwan ee Kenya si ay wada jir ugu tukadaan Salaada Ciida.
Xaafada Islii oo ka tirsan degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi oo Soomaalida badan ay dagan yihiin, ayaa saaka salaada Ciida waxaa lagu tukaday ku dhawaad 5 barxadood oo ay kamid ahaayeen; Dugsiga sare ee xaafada Islii (Eastleigh High School) Dugsiga hoose ee Ainsworth, barxada Burhaan iyo fagaarayaal kale madaama dadka oo tiro badnaa owgeed ay fagaarayaashu qaadi waayeen.
Sidoo kale barxada Sir Ali Muslim Club ee ku taallo Degmada Stareha oo degmada Kamu-kunji daris la ah ayaa iyadana maanta Salaada Ciida waxaa ku tukaday boqolaal qof oo iskaga kala yimid xaafada kala duwan ee magaalada.
CIIDA IYO GOBALKA WAQOOYI BARI KENYA;
Garoonka Salaada Ciida ee magaalada Gaarisa ee Gobalka Waqooyi-bari ee Kenya, waxaa isagana saaka iskugu soo baxay dad weyne aad u tiro badnaa oo halkaas ku wada tukaday Salaada Ciida.
Magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera iyo waliba degmooyinka uu gobalkaas ka kooban yahay dhamaantood waxaa maanta ka socdo damaashaadyo ku saabsan munaasabada Ciida Soon fur.
Dhanka kale Magaalada Mombasa ee gobalka Xeebta Kenya oo muslimiin badan ay ku nool yihiin, ayaa dad yar oo ku dhaqan gobalkaas ay maanta Sooman yihiin ka dib markii Khaadiga Kenya uu sheegay in Soon ay tahay oo aanan la xaqiijin karin in bishii ay dhalatay.
Balse, fagaarayaasha waa weyn ee ku yaallo gobalkaas oo uu ka mid yahay garoonka Tononka ee magaalada Mombasa, ayaa saaka waxaa iskugu soo baxay dad weyne aad u tira badanaa, iyadoo Salaadii Ciidana uu tujiyay dadkii halkaas iskugu yimid Sheikh Abubakar Abdi Abu Xamza oo khudbadiisa oga hadlay "dhibtaada haysato guud ahaan Umada Islaamiinta ah".
SAWIRRADA QAABKA MOMBASA LOOGA CIIDAY MAANTA;
Dowlada Kenya, ayaa ku dhawaaqday in maalinimada bari ah ay tahay Fasax dadweyne ama (Public Holiday) oo ku aadan Munaasabada Ciida, taas ayaana ha mida loo sababay Soonka Chief Khaadiga Kenya uu maanta ku dhawaaqay.
Isku soo wada duuboo wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Ciidul-Fidriga kadib markii Muslimiintu ay soo dhameysteen bishii barakeysneyd ee Ramadaan. Waxaana sidoo kale maanta laga Ciiday inta badan Caalamka Islaamka.
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya













