Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabay Gobolka Hiraan [AKHRISO: Wareegto Magacaabid]

Axad, December 20, 2015 (HOL) — Warar soo baxay maanta ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u magacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa HOL u sheegay in shir goor-dhaw ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay wafdigii ka socday dowladda Somalia ku shaaciyeen in maanta laga billaabo uu Gobolka Hiiraan guddoomiye k yahay Yuusuf Daba-geed.

Sidoo kale warka arrintaan ku saabsan waxaa HOL u xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha siyaasada iyo ammniga gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/llaahi oo sheegay in lagu soo war-galiyay magacaabista guddoomiyaha cusub.

Yuusuf Dabo-geed oo markii saddexaad guddoomiye ka noqonaya gobolka ayaa badalaya guddoomiyihii hore ee gobolka, C/fataax Xasan Afrax oo Muqdisho u jooga baaritaanka kiiska la xiriira sarkaal ka tirsanaa hay’adda QM ee UNMASS oo bishii hore lagu dilay Beledweyne.

Haddaba, HOL waxaa u suuro-gashay inay hesho Wareegtada Magacaabida Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan; Yuusuf Axmed Hagar [Dabo-geed], waxayna u qornayd sidan;

XEER MADAXWEYNE Lr. 87. Tr. 19/12/2015. MAGACAABIS GUDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN

MADAXWAYNAHA J.F.S

Markuu arkay: Qodobka 87-aad, Xarafka ‘C’, Qodobka 90-aad, Xarafka ‘K’ iyo 99-aad, Xarafka ‘G’ ee Dastuurka J.F.S.

Markuu arkay: Sharci Lr. 116 ee soo baxay 06-dii Ogoosto, 2013; kuna saabsan sharciga Maamullada Degmooyinka iyo Gobolada Dalka.

Markuu Tix-galiyey: Soo jeedinta wsiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee Ref: WAG & F/XW/0281/15 ee December 19, 2015. Kuna saabsan xilka-qaadis guddoomiyaha gobalka Hiiraan iyo soo jeedinta wasiirka arrimaha gudaha XFS. Ref: WAG & F/XW/0282/15 ee December 19, 2015 kuna saabsan magacaabis Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Markuu garwaaqsaday: inay jirto baahi loo qabo in gobalka Hiiraan guddoomiye cusub loo magacaabo, iyadoo waafaqsan qaabka dhisidda maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka si ay mustaqbalka u dhismaan maamul-goboleedyo dastuurka waafaqsan.

WAXA UU SOO SAARAY XEERKAAN:

Qodobka 1-aad;

Waxaa xilka laga qaaday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, C/fataax Xasan Afrax, waxaana mudane Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) loo magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Qodobka 2-aad;

Xeerkan wuxuu u dhaqan-galayaa si degdeg ah marka uu madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee dowladda JFS.

MUQDISHO: 19/12/2015.

Madaxweynaha J.F.S, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya