C/WELI GAAS: Shacabka Gaalkacyo ku Dhaqan Waa inay ilaaliyaan heshiiskii dhawaan la gaaray


Axad, December 20, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii magaalada Gaalkacyo lagu kala saxiixday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo dhex-maray maamulada Puntland iyo Galmudug, kaddib dagaallo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay bsihii la soo dhaafay magaaladaas.

Gaas ayaa sheegay in shacabka ku nool Gaalkacyo laga doonayo inay dhawaan heshiiska, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabada iyo horumarka magaalada si loogu wada-noolaado nabad-galyo iyo colaad la’aan.

“Heshiis waa ukun oo kale, waxaana loo baahan yahay in ukunta meel wanaagsan la dhigo, haddii la tuuro way burburaysaa, sidaas awgeed shacabka Gaalkacyo ku nool waxaan ugu baaqayaa inay ka shaqeyaan ilaalinta wada-deggenaanshaha degmadaas,” ayuu yiri C/weli Gaas oo ka hadlayay Gaalkacyo.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas iyo dhiggiisa Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa heshiis nabadeed oo RW Somalia uu ka ahaan gar-wadeen ay 02-dii bishan ku kala saxiixdeen degmada Gaalkacyo, kaasoo lagu soo afjaray colaaddii ka taagnayd magaaladaas.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa deggen iyadoo ay dib ugu soo laabteen shacabkii uga barakacay dagaalladii ka dhacay, iyadoo uu dib soo laabtay ganacsigii magaaladaas, taasoo uu C/weli Gaas ku tilmaamay guul weyn oo la gaaray.

Ugu dambeyn, maamulka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa in muddo ah ku muransanaa labada maamul ee Galmudug iyo Puntland, iyadoo dagaalkii ka dhacay uu salka ku hayay waddo laami ah oo ay dhisaysay Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya