Axad, December 20, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gobolka Gal-gaduud, Xuseen Cali Weheliye [Cirfo] oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray rasaas ay gaari uu watay ku fureen kooxo hubeysan, kaddib qaraxii ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa sheegay inuu ka badbaaday isku-day dil oo lagu qaarijin lahaa.
Xuseen Cirfo ayaa intaas ku daray in gaari kale oo ay wateen kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa, isagoo xusay inuu ka badbaaday weerarkaas, balse ay jiraan dad badan oo waxyeello kasoo gaartay qaraxii dhacay.
“Kooxo hubeysan ayaa gaari aan watay xabbad ku billaabay markii uu qaraxu ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama kaddib, Alle waa iga badbaadiyay oo waxba nagama soo gaarin, balse ay jiraan dad badan oo waxyeello soo gaartay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Galguduud.
Sidoo kale, kama uusan hadal Cirfo dhaawaca fudud ee soo gaaray, wuxuuna ku baaqay in hay’adaha amniga dowladda Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed ay iska kaashadaan sidii ammaanka caasimadda loo adkeyn lahaa.
Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay shan qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 10-qof, kuwaasoo isugu jiray askar iyo shacab ka dhawaa goobta.
Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna sidoo kale burbur aad u xooggan u geystay dhismayaal ganacsi oo goobta ka dhawaan; waxaana gaariga qarxay la dhigay waddada dhinaceeda, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay.
Ugu dambeyn, Waddada Maka Al-Mukarama ayaa ah waddada ugu mashquulka badan Muqdisho, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo iyo weerarro ay dad badan oo rayid ah wax ku noqdeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya