SAWIRRO: Kismaayo oo Maanta looga Dabaal-dagay 72-guuradii Aasaaska Booliiska Somalia


Axad, December 20, 2015 (HOL) — Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa maanta laga xusay sannad-guuradii 72-aad ee kasoo wareegtay markii la Aas-aasay Ciidanka booliiska Soomaaiyeed, iyadoo dabaal-daggan ay ka qayb-galeen madax ka tirsan maamulka Jubaland.

Dabaal-dagan oo lagu qabtay fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ciidamada booliiska Jubbaland halkaasi kusoo bandhigeen farsamooyinka kala duwan ee booliska, ayagoo gaardis ku maray wadada dheer ee laamiga ah ee hormarta saldhigga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Madasha ayaa waxaa khudbado kala duwan oo intooda badan diiradda lagu saarayay qiimaha ay leeyihiin ciidamada booliska Soomaaliyeeed ka jeediyay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max'ed Warsame Darwiish iyo saraakiil kale.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa la aasaasay 1943-dii maanta oo kale, waxaana sanad walba 20-ka Dec, looga dabaaldegaa inta badan gobollada dalkeenna.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya